Habaryoonis Iyo Ciidagale, Hayb Inay Wadaagaan, Hadduun Baanogaado, Waxase Hurisay Jeegaan.


(Hadhwanaagnews) Thursday, July 12, 2018 12:39:49
Halisteedi Waa Taas, Haysata Ceelafweyneen, Ka Hungoownay Nabadii, Ma Huraanki Kala Tegay, Kulmiyoow Habaar Qabe

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.(S.C.W.R.W.B)
Salaan khaas ahna bahda hadhwanaagnews iyo akhristayaasheeda.

1-HABARYOONIS IYO CIIDAGALE,HAYB INAY WADAAGAAN,HADDUUN BAAN OGAADO,

HOORI BAAN ILEEN AHAY,UMAAN HAYSAN DAAUD,HABAR YOONIS HAYBNIMO,

HABEEN INAY KU RAACAAN,WAXASE HURISAY JEEGAAN,NIMANKII HIGAADSHE,

HURINTII MIDKA AHAYD,HABAR HABAR U QAYBSHEE,HINDISAHAAS INOO DHIGAY.

 

2-HALISTEEDI WAA TAAS,HAYSATA CEELAFWEYNEEN,KA HUNGOOWNAY NABADII,

MA HURAANKI KALA TEGAY,KULMIYOOW HABAAR QABE,QARANIMADI HEERTOO,

HOG DHEER BAAD




KU TUURTEEN,DIBNA LOOMA HELAYO,WAY KALA HAYAANTE,

HABAQLAHEEDA SOO HADHAY,BAL INUU ISHAYBSADO,HAB-BEELED INAGU CELI.

 

3-LAYS HOOSAANMAAYOO,HAGAAGBAA LOO XISAABTAMI,WAXUNBA KA SOO HADHI,

SHAYGII LAMA HURAANKA AH,HORAA LOO DHAQAAJAA,HUBSO IRAYADAYDOO,

TALADUYAY KU HOOS MARIN,HAWSHU WAY KA CULUSTAHAY,HABKAAD U ARAGTA,

MAAD HORMARIN HESHIISIIN,SADDEXDAA HABROODEE,DALKA HADIMADAA BADAY.

 

4-HAAMO HADAL MA BUUXSHAAN,MAAHMAAH HORAA TIDHI,HADASE WAA LA HELAYO,

HAATIFIYO REKOODHIYO,MOOBAYLAA HIRGALAYOO,HAQAB TIRAY WARFIDINTII,

HABEENKII DHARAAR NOQOY,MARKII LAYDHKA LOO HELAY,HAAD NOQOTAY GURAYE,

HUNBAALAYN LA BARAYOO,CIDI KUMA HAYAANTEE,WAA UUN  LAGU HABSAAMAA.

                                        ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.