Wasiir Shaaciyey Shaybaadh Jarmalka Lagu Soo Marinayo Ciida Somaliland


(Hadhwanaagnews) Thursday, July 12, 2018 14:04:29
Wasiir Shaaciyey Shaybaadh Jarmalka Lagu Soo Marinayo Ciida Somaliland

Hargeysa(HWN):-Wasiiro ka tirsan xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ayaa soo bandhigay maal gashi dalka laga hir gelinayo.

Wasiirada Deegaanka iyo Horu marinta Maalgashiga ayaa cadeeyey in maalgashadayaal dalka soo gaadhay ay qaadeen ciid ama caro laga keenay deegaanada maalgashiga laga fulinayo, taas oo loo qaaday wadamada dibada.

Wasiirka horu marinta maalgashiga Maxamed Axmed Cawad ayaa shaaciyey in ciid laga qaaday somaliland lagu soo shaybaadhayo dalka Jarmalka isla markaana la soo ogaanayo tayada ay leedahay.

Wasiir Cawad oo bartiisa Twitter-ka kaga hadlay ciida shaybaadhka la soo marinayo ayaa waxa uu yidhi “Maanta waxaan




aniga iyo wasiirka Deeganku  kaxaynay Maalgashadeyaal ajaanib ah oo danaynaya inay maalgashadaan dalka, ciid ama carro degaano kala duwan ah baan soo qaadnay, Ciidaas waxaa lagu soo baadhi doona LAB ku yaal dalka jarmalka si loo ogaado tayada ciideena,” ayuu yidhi wasiirka horu marinta maalgashiga somaliland.

 

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.