Midawga Yurub Oo Kordhiyay Qaadhaankii La Siin Jiray Soomaaliya


(Hadhwanaagnews) Thursday, July 12, 2018 18:03:41
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Midawga Yurub ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in kordhiyay qaadhaankii la siin jiray Soomaaliya.

Guddoomiyaha Midawga Yurub Christos Stylianides ayaa shaaciyay in la kordhiyay qaadhaankii la siin jiray dawladda Soomaaliya, isla markaana looga gol leeyahay in la gaadhsiiyo dadka nugul iyo kaabeyaasha horumarka.

Bayaan uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Midawga Yurub ayaa lagu sheegay in €89 Million laga dhigay qaadhaankii uu midawga Yurub siin jiray soomaaliya.

“Waxaan bartilmaameedsan doonnaa Bulshada teeda nugul, waxaanan mudnaanta siin doonnaa Dadka Gacan qabashada dhabta ah, kuwa ay saamaynta ku yeesheen is beddeladii Cimmilada iyo kuwa ku waxyeelloobay shaqaaqooyinkii ka dhacay gudaha Soomaaliya” ayuu bayaankiisa




ku sheegay Mr, Stylianides.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.