Kulan Aan Hal-maami Kareyn Oo Dhex Marey Dhalinyarada Hal-doorka Gobalka Gabiley Iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.


(Hadhwanaagnews) Wednesday, August 08, 2018 08:14:14
Kulamadii is wareysiga ee Madaxweynaha lala yeeshay waxa kuwa ugu mudan ka mid ahaa kii dhalinyarada

Safar  uu  dhawaan  ugu  soo  amba-baxay  Madaxweynaha  Jamhuuriyada  Somaliland  Mudane:Muuse  Biixi  Cabdi ,  Gobalada  Galbeedka  Dalka ayaa  lagu  soo  gaba-gabeeyey  Magaalo  madaxda  gobalka  cagaaran  ee  Gabiley, Hadaba  habeen  dhaxii  Madaxweynaha  Qaranka  ayaa  suuro-galiyey  kulamo  kala  duwan  oo  ka  kooban  qaybaha  kala  duwan  ee  Bulsho-weynta  Gobalka  Gabiley,  Haday  tahay  dhalinyarada ,  odeyaasha duqeyda, haweenka  iyo  xubnaha  masuuliyiiinta  heererka  kala  gadisan  leh ee  isla  Gobalka.

Kulamadii  is  wareysiga  ee  Madaxweynaha  lala  yeeshay  waxa  kuwa  ugu  mudan  ka  mid  ahaa  kii  dhalinyarada  iyo Madaxweynaha,  dhex  marey  oo  si  wacan  ay  dhalintu   Madaxweynaha  isugu  xog  warameen  yagoo  ka duulaya  waxyaabaha  muhiimka  u  ah  dhalinyarada  sida  Shaqaalaysiinta,  Arimaha  Bulshada  la  xidhiidha 




dhalinyarta, Iyo  dhamaan  imkaaniyaadka  umadaha  noloshooda  bayska  u  ah,  Sida  Caafimaadka,  Tacliinta, Biyaha  iyo  waliba  qodobo  la  xidhiidha  tayeynta  Jaamacada  Tima,ade  University  ee  isla  gobalka  gabiley.

Dhalinyarada  la  kulantay  Madaxweynaha  ayaa  ahaa  dhalinyaradii  ugu  muga  iyo  miisaanka  cuslayd  Gobalka  xaga  jiilasha  soo  koroya,  Waxay  dhamaantood  ahaayeen  Aqoonyahanada  ugu  mudan  ee  xaga  Tacliinta  iyo  Culuunta  la  majeerto, Sidoo  kale  kuwii  ugu  fir-fircoonaa  ama  inuun  lagu  tuhmayey  khibrad  aqooneed  iyo  mid  bani-aadamtinimo, Ku  darsoo  nimanka  xaley  saacadaha  la  qaatey  Hogaamiyaha  Qaranku  waxa  aad  uga  dhex  widh-widhayey  sida  shamaca  hal-doorka  dhalinta  iyo  hanadada  ay  Somaliland  isla  garanayso  dhamaanteedba  dhinaca  dhalinyarada, Waxaanay  ka  koobnaayeen  Bah-weynta  Isboortiga, Bah-weynta  Arimaha  Bulshada  Iyo  NGOyada, Bah-weynta  Naadiyada  Qoraalka  Iyo  Akhriska,  Bah-weynta  Aqoon-yahanka,  Bah-weynta  Siyaasiyiinta, Bah-weynta  Ardeyda, Ee  Isla  dhalinyarada  Gobalka  Cagaaran ee  gabiley

Waxyaabaha  lagu  dariisado  ee  kulankaa  boqranaa  laga  faa,iidey  waxa  ka mid  ah  in  Madaxweynuhu  na  tusay  awooda  hogaamiyenimo  iyo  kartida  hagitaan  ku  jirta,  Waxaaney  dareen  ahaan  nagu  abuurtay  inaan  hiigsano  halka  uu  maanta  taagan  yahay ,  Run  ahaantii  Madaxweynaha  Somaliland  waxa  uu  noo  iftiimiyey  inuu  yahay  Macalin  Siyaasiya  oo  jiilal  cusub  dalka  u  tababaraya  iyo  hogaamiye  dalka  hayaanka  u  haya, Waa  ta  na  qiiro  galisey  ee  ay  noogu suura-gashey  is  fahankii  dhalinta  iyo  madaxweynaha  ee  aragtiyaha  Caalamiga  ah,  Runtii  dhalinta  reer  gabiley  xaley  waxay  hoosta  ka  xariiqeen  il-baxnimadii  iyo  cilmigii  lagu  xaman  jirey,  Waana  bushaaro  wax  ka  oola  u  soo  hoyatey  dhamaan  bah-weynta  dhalinta  gobalka  ee  garaadka  san  aragtidooduna  ay  togan  tahay.

Gaba-gabadii  waxaan  bogaadin  ,  hambalyo,  iyo  mahad-naq  is huwan  u  xambaarinayaa  Madaxweynaha Jamhuuriyada  Somaliland  Mudane:  Muuse  Biixi  Cabdi  oo  isagu  na  dhagaystay  noona  suurta  galiyey  inuu  na  maqlo  oo  uu  wixii  tabaynana  noo  bayaamiyo,  Aad  baan  ugu  faraxsan  nahay  kulankaasi  waxaanan  ku  rajo-weyn  nahay  inuu  taariikhda  gali  doono  kulankaasi.

Wa  Bilaahi  Tawfiiq.

W/Q:  C/raxmaan  Sayid  Faarax  (Jeesto).

Xubin  ka  mid  ah  dhalintii  ka  qayb  gashey  shirka.

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.