Hargeysi Way Isku Habsaante, Halkay Gaadhi Karta, Higsigeedii Lagabaydhyoo, Habeen Bay Godaysaaye


(Hadhwanaagnews) Thursday, August 09, 2018 08:32:49
Halkoobe Biriishyoo, Halistii Bay Maraysaaye, Hurdada Qaar Ka Kacashoo, Hanbirsha Ku Wacna

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM.(S.C.W.R.W.B.)
Salaan khaas ahna bahda hadhwanaagnews iyo akhristayaashooda

 

HARGEYSI WAY ISKU HABSAANTE,HALKAY GAADHI KARTA,

HIGSIGEEDII LAGA BAYDHYOO,HABEEN BAY GODAYSAAYE,

HAATAN WAABA KA QUUSO,HAWLAHAY SUGAYEENOO,

HAB MAGAALO ILAWDAYOO,WARAABAHAW HOYANAAYA.

 

DADKEEDIIBAA HAGRANAAYEE,HIIL AYAW NOQONAAYA,

HARAADKII WAXA  DHEER,WADOOYINKII HOGOG WEEYE,

HABEEN DAA HADALKIISOO,HADH GALAAN LA MAREYN,



"Agency FB",sans-serif;">XASIHIISHKAA KU HORYAALO,CIDINA AANAY HARAYN.

 

DAWLAD HOOSE MA HAYSOO,HABAARBAA U DHAMAADAY,

HOGOSHUUN BAY KU JIRTAAYO,HAATAN WAA HADAL DEYS,

HEERYADA AWRKA LA SAARO,KII WAX HAYSTEY HAYAAN,

HORTOODU WAA U BANAANOO,BADANKOOD KA HULEELE.

 

HALKOOBE BIRIISHYOO,HALISTII BAY MARAYSAAYE,

HURDADA QAAR KA KACASHOO,HANBIRSHA KU WACNA,

HALYEEYADII UF MEESHAY,HALGANKII KA GALEEN BAY,

HADDEERTO AY MARAYSAAYE,IDINKOON HUBA QAADAN.

 

HAWLYARAAN HELIWEYNAY,WAXII AAN HIBANAYNAY,

HAYAANKA BAASHA KA RAACOO,BELEDKIINA HAGAJA,

ISKA XAADHA HORIINA,HOGAGGA CIIDA KU AASOO,

HAREERAANA KA MOOSOO,BIYUHU HOOS HA MAREN.

      ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.