Shirkadda Worldremit Oo Ka Bilowday Somaliland Adeegyo Si Fudud Lacagaha Xawilaadda Looga Dirsan Karo Ama Lagu Heli Karo.


(Hadhwanaagnews) Thursday, August 09, 2018 18:14:54
Asaasaha iyo Gudoomiyaha Shirkadda Worldremit Ismaaciil Ibraahim Axmed ayaa sheegay in adeeg ay ugu tallo galeen

Hargaysa(HWN)Shirkadda Caalamiga ah ee WorldRemit ayaa adeeg cusub oo kuu sahlaya adiga oo ku sugan gudaha Somaliland inaad lacag u diro karto in ka badan Boqol waddan oo dunida dacaladeed ah.

Munaasibadan lagu daah-furayay barnaamijkan casriga ah ee dunida oo dhan aad lacagta ugu diro karto adiga oo ku sugan Somaliland ayaa lagu qabtay magaalada hargaysa

Asaasaha iyo Gudoomiyaha Shirkadda Worldremit Dr Ismaaciil Ibraahim Axmed ayaa sheegay in adeeg ay ugu tallo galeen in ay ka faa’idaystaan bulshadda Somaliland ee k u sugan daafaha dunida iyo waddankaba,waxaana uu sheegay in adeegyadda casriga ah ee ay bulshadda ugu adeegyaan u sahlay.



justify;"> “Waxaannu Somaliland ka bilownay adeeg cusub oo dadka u suura gelinaya in ay si fudud lacagaha uga diri karaan  Somaliland oo ay u diri karaan in ka badan 100 waddan,

Somaliland waxay ahayd waddankii ugu horreeyey ee aannu lacag u dirro markii shirkadda aanu bilownay muddo 8 sano imika laga joogo,waxaan maanta ku faraxsan ahay in ay Somaliland noqoto waddankii ugu horreeyey Africa ee aannu lacag kasoo dirro”. Adeeggan cusub oo aannu ku talo jiro in aanu gaadhsiino badiba waddamada aanu lacagta u diro, Somaliland waxay fursad u heshay in ay noqoto waddankii ugu horreeyey ee ka faaiidaysta adeeggan cusub

 

Intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata Asaasaha iyo Gudoomiyaha Shirkadda Worldremit Dr Ismaaciil Ibraahim Axmed .”Qofka doonaya inuu lacag diro waxa uu isticmaalayaa app-ka WorldRemit ama website-ka oo marka uu isdiiwaangeliyo uu si fudud lacagta uga diran karo. Waxaannu marka hore ku bilaabaynaa in ay qofku lacagta uu dirayo kasoo wareejiyo Zaadka,waxaannu imika Somaliland usoo dirnaa lacag gaadhaysaa ilaa 50m sannadkii oo qiyaastii noqonaysaa ilaa 7% lacagaha dibadda ugu yimaadda Somaliland. Kolkaa lacag ka badan $700m ayaa sannadkii dibadda uga yimaadda Somaliland

Lacagta laga diro Somaliland oo noqonayaa $1.5b waxay muddooyinka dambe laban laab uga badatay lacagaha dibadda innooga yimaadda.

Lacagahaasi la dirayaa waxay u badan yihiin kuwo ganacsi, laakiinse imika waxa aad usoo badanaya lacagaha ay diraan dadka qurbaha kasoo noqday ee Somaliland usoo shaqo tegey, kuwo loo diro ardayda dibadaha wax ku barata, dadka caafimaadka dibadda u tegaya iyo kuwa ay diraan dadka ajnabiga ah ee Somaliland usoo shaqo taga. Horumarka ay gaadhay Somaliland ayey ka mid tahay in lacago ajnabi ahi usoo shaqo tago oo lacago xawaalad ah oo badan ay ka diraan Somaliland.

Xawaaladaha ugu badan ee muddadii aanu tijaabo ahaan usii bilownay adeegga aanu diray waxay ahaayeen kuwo ay dirteen dad adjnabi ah oo u shaqeeya shirkadaha ganacsiga ee dalka ka jira. Waddamada lacagaha loo diray waxaa ka mid ahaa Uganda, Kenya, Senegal, Ghana, India, Malaysia, Australia, Pakistan iyo Europe. Asaasaha iyo Gudoomiyaha Shirkadda Worldremit Ismaaciil Ibraahim Axmed

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.