Faysal Cali Waraabe Iyo Cabdikariin Qalbi Dhagax Oo Kulankoodii Ugu Horeeyey Wadda Yeeshay


(Hadhwanaagnews) Friday, August 10, 2018 12:23:02
Faysal Cali Waraabe Iyo Cabdikariin Qalbi Dhagax Oo Kulankoodii Ugu Horeeyey Wadda Yeeshay

Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah ururka ONLF.

Kulanka oo la sheegay inuu wakhti badan qaatay ayaan laga soo saarin wax war ah balse xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa si kooban uga hadlay kulanka uu gudoomiyahoodu la qaatay Qalbi Dhagax waxaanu yidhi ““Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu la kulmay xoghayaha ururka ONLF iyo Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.” Ayuu si kooban u yidhi xoghaye Yuusuf Kayse.

Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa hore u sheegay inuu Cabdikariin Sheekh Muuse




Qalbi Dhagax ku soo casuumi doono somaliland, balse kulankan ayaanay wali ka soo bixin in hogaamiyaha Ucid ugu soo fidiyey casuumadaas uu hore u sheegay.

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.