Guddoomiye Ku Xigeenka Degmadda Wajaale Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Dhaawac Ay Geysteen Ciidamada Liyuu Booliisku


(Hadhwanaagnews) Friday, August 10, 2018 16:47:11
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Guddoomiye ku xigeenka Degmada Wajaale ee dhinaca wadanka Axmed-Khadar Cabdi Cali ayaa ku eedeeyey Liyuu booliska inay xalay toogasho ku dhaawaceen.

Wuxuu sheegay in xilliga xabbadda lagu soo riday uu isku dayayey inuu ka hor istaago Liyuu booliska "Waxa ay doonayeen in ay qaataan gaadhi dabdamis ah oo magaaladu lahayd".

Dhaawaca ayuu sheegay inuu madaxa ka gaadhay, oo xabbaddu ay hilibka dhex martay, xaaladiisuna ay fiican tahay.

Wuxuu intaa ku daray in ay isla wakhtigaas u gurmanayeen qaylo dhaan uga timid xero ciidan oo loo sheegay in "dhallinyaro ay rabshado ka wadaan, Dabdamiskii iyo alaab kaleba waa qaateen, qaarna dhaawacyo ayey gaarsiiyeen"




ayuu yiri Axmed-Khadar.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.