Abwaan Sakariye Awaare Oo Maanso Cusub Si Adag Ugu Dhaliilay Hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi


(Hadhwanaagnews) Friday, August 10, 2018 19:10:17
Abwaan Sakariye Awaare Oo Maanso Cusub Si Adag Ugu Dhaliilay Hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa(HWN):-Abwaan Sakariye Saxardiid Axmed (Sakariye Awaare) ayaa hab suugaan ah kaga dardaar wariyey nidaamka hogaamineed ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Abwaan Sakariye Awaare oo soo bandhigay maanso uu kaga hadlayo hogaaminta madaxweyne Muuse Biixi, taas oo uu si adag ugu dhaliilayo, maansada ayaa u dhigan sidan:-

 

Nin kadeedan abidoo 
Kulul oo la yaabloo 
Karkabaysan baad tee 
Muusow ha nala kufin,

 

Koronkorro qabiil baad 
Kobcisaa dhasheedoo 
Koolkoolisaayoo 
Ugxanteeda korisaa 
Muusow





ha nala kufin,

Kadaraa bad noqotoo 
Xilalkiyo kuraastii 
Wad qaraabo kiishee 
Muusow ha nala kufin,

Kaydkiyo dhaqaalii 
Wad u kaadin weydoo 
Kiradiyo cashuurtii 
Kuma kaafiyaysoo 
Kiish baabad sidataa 
Muusow ha nala kufin,

Kelmadahad shubaysee 
Kol ba meel u leexdee 
Kasha qiiro geliyana 
Kaftan baan u haystaa 
Ficilkiyo kalaamkii 
Wu is keeni waayee 
Muusow ha nala kufin,

Kacdoonnaa dhacaayoo 
Dhibku kow ba maahoo 
Kuma koobna meel oo 
Gudahoo karkarayaad 
Korna ka handaraabtee 
Muusow ha nala kufin,

Kun jeer oo horeetaan 
Karkaarrada ka duulnnoo 
Kacnay oo istaagnnee 
Muusow ha nala kufin.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.