Tayo Darada Caanaha Dalka Dibada Uga Yimaada Iyo Xogta Rasmiga


(Hadhwanaagnews) Wednesday, September 12, 2018 13:15:57
caanaha milk bowder caanaha dalka somaaliland iman jiray waxay ahaayeen caano laba nooc oo kaliya coast nido halka manta ay kor

 

Dalalka dunida sadexaad ee aan lahayn waxsoosaar warshadeed  iyo  dalalka dagaaladu  aafeeyeen waxa ay najiido u heleen in loo dhoofiyo badeecado  aan la hubin tayadooda waxtar oo sababi kara caafimaad daro sii dheerata

Hayada dhawrista tayada dalka waxa looga baahan yahay in ay si toos ah ula socdaan tayada caanaha samayska ah ee dalka kusoo badanaya

caanaha   milk  bowder  caanaha dalka somaaliland  iman jiray waxay ahaayeen  caano laba nooc oo kaliya coast nido  halka manta ay kor u dhaafeen 204 nooc oo caano ka kala yimaada aduunka caanahaas  coasta




nido waxay ka iman jireen  dawlado aynu la leenahay heshiis ganacsi oo la hubo tayada caanaha ay soo dirayaan  caanahas waxay ahaayeen caano  toos looga soo lisay neefka lo ada  halka caanaha aduunka inooga yimaada lagu soo adkeeyo nooc ka mida jaandiga  samayskooda caafimaad

Waa in dawlada dalku si fiican ula socdaan caanaha cuntooyinka food stuf ration  sharaabka daawoyinka dalka  dibada uga yimaada  si loola socdo hubinta isticmaal ee  badeecadahaas  dekadaha suuqyada  ganacsi

Dalkii hore ee somaaliya waxa iman jiray 3 nooc caano milk bowders oo  ku iman jiray nidaamsharci ganacsi laba dawladood oo si saxa loola socdo tayadooda caafimaad  iyo maadooyinka ay ka kooban yahiin oo ahaa international stander index

Waxa soo raaci jirey caano cartons ku iman jiray oo la odhan jiray caano bodh caanahas oo inta badan ahaa caanaha  hayadaha sida qaxootiyada

 

Maxaa caanaha loogu soo qori waayey magaca ganacsiga company caanaha  ee had iyo goor loogu soo qoraa magacyada haweenka soomaalida  jawaabtu waxay u egtahay  kalsooni la an company caanaha soo saaray oo aan lahayn shuruuc company caalamiya oo si fiican looga ogyahay suuqyada ganacsiga caalamka ta kale waxay noqon kartaa suuq galin ganacsi oo  laga raadinaayo haweenka qoysaska  oo ka masuul ah daryeelka caruurta qoyska iyo quudintooda  dhalaanka si iib fiican loogu helo caanahaas

 

Caanaha hada dalka yimaada oo aad u badan ganacsigooda  hadana inta badan  caanaha saxa waxa ay ka yimaadan dalalka imaaradka oo booyado aad u waawayn ay ka keenan dalka newseland holand etc  dalalka imaaradka ayaa dib loogu soo qasacadeeya inkasta oo caano badan oo aan lahayn la socod tixraac caafimaad laga keeno dalka  chine caanahas oo inta badan ah copy madaama aanu dalkeenu lahayn qalabkii lagula soconaayey  noocyada badeecada kasoo degaya dekedaha  dalka ama airport

Waqtigii dawladii hore ee soomalia  ganacsigu wuu xadidnaa inta badan  waxa uu ahaa ganacsi ku yimaada laba dawladeed  oo lala socdo noocyada tayadiisa caafimaad ma jirin ganacsigan hada jira ee ganacsade kasta uu keenayo dalka cunto xaaran iyo xalaal waxay tahay  ta kaliya ee ay hada ganacsatadu ka door bidaan danta  caafimadka  bulshadooda waa macash  raadin degdega ah

 

 

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

[email protected]

 

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.