Goormuu Dhamaanayaa Dagaalka Qarsoon Ee Ay UN Kula Jirto Somaliland ?


(Hadhwanaagnews) Thursday, September 13, 2018 10:06:04
Maqaalkan oo aan qorey todoba sano ka hor ayay maantana kaliftay inaan mar labaad bulshada xasuusiyo.

 

Maxaase kalifay Erigii Unosom laga eryey Somaliland September 1993 kii

 

Ku dhawaad 25. sano ka hor waxaynu xasuusan karaa bishii September 1993 kii inuu soo if baxeyy dagaal qarsoodiya oo ay UNtu ka danbeysayy oo ay UNOSOM waday kula jirtey Somaliland



12pt; font-family: "Times New Roman", serif; text-align: justify;">  

Waxa jirey qorshe ay u soo dajiyeen waqtigaa si wada jir ah Xoghayihii waqtigaa ee qaramada midoobay ( Boutros Boutros-Ghali)

 

Iyo xafiiskii Unosom ee waqtigaas ee Moqdisho oo loogu doonayay in Somaliland dib loogu celiyo Somalia ama Moqdishu

 

Qorshahaasi wuxuu ku talinayay in dalka dib loo qaybiyo oo la sameeyo xuduud maamuleed cusub oo salka ku haysa barnaamij ay Unosom doonayso in ay kusoo dhisto maamul dhexe ( transitional national council )

Qorshahaasi wuxuu ku sheegay dadka reer Somaliland inay yihiin cadowga koowaad ee Midnimada Somalida

Sidaa darteedna loo baahanyahey in la qaado talaabo kasta oo loo arko inay ka hor tageyso in Somaliland ay ka go'do Somalia

Arintani waxay la yaab ku noqotay waqtigaa wakiilkii Unosom u fadhiyay Somalliland oo la odhan jiray Mr.Keith Beaven ' oo la doonayay inuu hirgaliyo barnaamijkaasi. 

 

Mr. Beaven isaga oo qaadan la cadaawada xad dhaafka ah ee ka muuqatey qorshahaas wuxuu jawaab u direy Admiral Howe iyo saraakiishii kale ee Unisom ' waxaanu ku yidhi waa arin laga naxo oo argagax leh in Northwest ( Somaliland ) lagu tilmaamo cadow ''

 

Qorshaha xog hayahii guud ee UN waqtigaa waxuu ahaa in aan la aqoonsan goosashada lakiinse farqi waynbaa u dhexeeyay dhexdhexaadnimada la doonayo in aynu ka muujino in mustaqbalka dalka iyo gobolkan si ba'an loo qayqaybiyo "

Wuxuu intas raaciyay oo uu yidhi shakiga aan ka qabo siyaasada Unisom ka sokow '

Waxaa aad u adag in la fahmo macnihii ka danbeysay fikradaas

Waayo waxaad leedihiin aynu baabi'no qaybtan waddanka ee leh maamulka ka baxsan dalka intiisa kale oo aynu abuuro xuduud maamuleed aynu inagu leenahey ''

Mr.Beaven isaga oo arintaas aad uga cadhaysan ayaa waxa uu ku celiyay talooyin hore oo uu u kala direy xafiisyada Unosom ee Bosaso ' Moqdishu iyo New york. Oo uu kaga codsanayay maamulka Unosom in barnaamijka Somaliland dib loogu soo celinayo Moqdishu uu ahaado mid si qabow oo qarsoodi ah oo aanay dadku dareemin loo wado waxaanu yidhi " talooyinkagii hore waa sidoodii oo waxba ka badali mayno ''

Waana arin aan bislayn in talaabo siyaasadeed oo la xidhiidha dhulkan la qaado waqtigan xaadirka ah

 

Doodihii kululaa ee ay is dhafsadeen saraakiishii Unosom ee ay ku heshiin waayeen waqtigaa sidii loo tirtiri lahaa Somaliland ayaa ahaa kuwo aanay haba yaraatee waxba ka ogeyn dadka reer Somaliland ilaa hada .

 

Muranku wuxuu ka dhashay saraakiishii Unosom oo badidoodu aaminsanaa in ujeedadii Unosom aanay dalka ka hirgalinayn hadii aan lagu dhaqaaqin qorshe kale oo cusub oo lagu kala tuuro xuduudaha Maamuleed ee Somaliland laguna sameeyo mid cusub oo waafaqsan maamulka dhexe (transitional national council ) ee ay doonausay Unosom waqtigaa inay dhisto dalkii hore loo odhan jirey Somaliya .

 

Iyada oo labadan qorshe ee Unosom ( dagaal qarsoodi ah iyo mid badheedh ah )  is barbar socdaan ayaa waxaa bilaabmay shirkii Ceerigaabo halkaasi oo saraakiishii Unosom ay u arkayeen fursad wayn oo lagu tijaabin karo barnaamijkan cusub.

 

Fax uu Mr.Beaven u direy Admiral Howe maalmihii uu socday shirkii Ceerigaabo ayaa wuxuu kuk sheegay in loo baahanyahey in si deg deg ah looga howl galo Gobolka Sanaag ( Regional Council ) waafaqsan qorshaha Unosom, waayo, wuxuu yidhi beelo kamida kuwa hlkaa daga qaarkood kama mid aha Dawlada Madaxweyne Cigaal ''Alah hau naxariistee'' oo waqtigaa madaxweyne ahaa iyo goleyaasha kale toona

 

Kolkaa waxay ugu ekaatey in aany waxba ka qabin in loo sameeyo Regional council ka madax banann Hargeisa

Wuxuu isla Fax kaas ku sheegay in ay odaayaasha Gobolkaasi ay ku marti qaadeen in uu  ka qayb galo shirka ,

 

Alah ha u naxariiste Madaxweyne cigaal-na wuu u fasaxey inuu tago ceerigaabo lana kulmo ciduu doonayo' sii kaxaysto cidii uu rabo , kuna tilmaamo siyasada Unosom hadba sida ay ula muuqato.

 

Hadaba mudadii uu Mr.Beaven joogay Ceerigaabo wuxuu daraasad qoto dheer ku sameeyay arinta Gobolka Sanaag . wuxuuna war bixin aad u dheer ka diyaariyay sidii qorshaha Unosom looga hirgalin lahaa Gobolkaasi.

 

Wuxuu warbixintaa ku yidhi waxa lagu doodi karaa in ay jiraan beelo ka maqan shirka Ceerigaabo oo dhamaantoodba la odhan karo waxay doonayaan in Bosaso looga taliyo.

Mr. Beaven waxa kale oo uu warbixintaas ku sheegay inuu ergooyinkii shirka ka dhaadhiciyay oo loo balan qaadey in dadka reer  Sanaag ee ku nool gobolka bari Moqdishu iyo Nairobi oo ay ku jiraa dhamaan maamukii kooxdii USP.

 

Si arintu u suuro gasho wuxuu ka codsadey Xafiisyada Unosom ee Bosaso iyo Moqdishu in taageero ay kangaystaan sidii cerigaabo loo keeni lahaa niman ay ka mid yihiin ' Ina Saleeban Dafle , Jaamac Giriin .Maxamed Abshir iyo madaxda ururkii USP.

Wuxuuna sheegay in Jaamac Giriin loo yaqaano danbiile dagaal.

Laakiinse wuxuu yidhi Jaamac griin iyo raga kale loogama maarmayo shirarkan iyo dhismaha Goboleedkan .

 

Wuxuu kaloo uu shirkaa ku marti qaadey ku-simahii madaxa Xafiifka Unosom ee gobolka Bari si uu isna uga qayb qaato barnaamijkii la doonayay in labada gobo lee Sool iyo Sanaag lagu daro Gobolka Bari

 

 Isaga oo ka hadlaya sababta Ceerigaabo iyo Lascaanood loo hoos gaynayo Bosaso . wuxuu yidhi arimaha siyaasadeed ka sokow , kuwo dhaqaale ayaa jira oo ku kalifaya Gobolada Sool iyo Sanaag in ay hoos tagaan Bosaso.taasoo aan la fahamsanayn ilaa hada waxay UN usii kala qaybinaysay Somaliland

 

 ERIGII UNOSOM LAGA ERYAY SOMALILAND IYO WIXII AY KA YIDHAAHDEEN HAY'DIHII KALE EE WAQTIGAA KA HOWL GALI JIRAY SOMALILAND

 

 War cad oo ka soo baxay xafiiskii Alah ha’u naxariistee Madaxweynihii waqtigaas ee jsl Marxuum Cigaal  18,September 1993 kii 

 

Ayaa sheegay in dawladu go'aansatey in Unosom laga eryo dalka laga bilaabo 18/sep/1993

Go'aankii dawlada oo ay taageereen waqtigaa labadii gole ee  Guurtida iyo Barlamaanka

Wuxuu ka danbeeyay Unosom oo si badheedh ah ugu kacdey falal lidi ku ah qaranimada Somaliland iyo jiritankeedaba

Saraakishii ha'ada Unosom oo fulnayay amarkii Boutros Ghali ayaa waxay ku kaceen in labada gobol ee Sool iyo Sanaag ay ka jaraan Somaliland oo ay hoos geeyaan Bosaso ee gobolka Bariga Somalia .

 

Qorshahan ay Unosom ay ku doonaysay inay ku qaybqaybiso Somaliland waqtigaa waxa in muddo ahba kala shaqynayay xubno kamida hadhaagii dawladii burburtey ee talisgii Siyaad Bare oo ay ka mid ahaayeen , Axmed Saleebaan Cabdalle ( ina saleban Dafle) Jaamac giriin ,Maxamed Abshir iyo General Morgan oo ay Unosom doonaysay waqtigaa inay xukunka kusoo celiso

Arintaasi waxay soo if baxdey markii wafdi ka socda Unosom oo booqday Ceerigaabo uu sheegay shirka ka socda halkaasi in QM(UN) aanay uu aqoonsanayn gobolada Sool Iyo Sanaag in ay ka tirsanyihiin Somaliland balse ay u aqoonsanyihiin degmooyinkii uu ka talin jirey Maxamed Abshir ee Boosaaso .

Wafdigu waxay shirkaa u sheegeen in aanay wax amar ah ka sugin Hargeisa ee looga soo talin doono Bari iyo Moqdishu arintaasi waxay si xoogle uga cadhaysiisay ergooyinkii shirkasi ka qayb galey oo ka dalbadey wafdiga in ay shirka ka baxaan

 

 

HADABA HAY'ADIINA MAXAA LAGU AMRAY  WAQTIGAA ?

 

Hay'adihii ka shaqayn jiray waqtigaa Somaliland ayaa diiday amar ay Unosom u kala dirtey ha'adaha ka tirsanaa UN iyo kuwa ka madax bananba oo ay kaga dalbanayso in dhamaantood ay isaga baxaan Somalilalnd .

 

 

 

Waxaa dhacdey waqtigaa inay diideen ha'adihii.

Diidmadii ay diideen hay'adihii inay fuliyaan amarka Unosom ayaa ka mid ahaa waxyaaabihii dhaliyay in madaxii Unosom ee Somaliland, Mr. Beaven uu is casilo.

Hay'adihii samafalka intoodtii badneyd waxay shegeen inayy ka shaqyn jireen Somaliland Unosom oo an jirin ayna sii wadi doonaan hawlihiiay ka wadeen dalka

Hay'adda Save The Children Fund ( SCF ) ayaa ka mid aheyd kuwa mashaariicda wax ku oolka ah waday waqtigaa dalka oo ugu horeyntiiba cadeeysay in aanay jirin sabab dalka looga baxaa ,

 

Eriga Unosom –na aanu khusayn iyaga SCF waxay intaa raacisay inay tahey ha'ay madaxbanaan oo aaney Unosom iyo dawlada England toona ku amri Karin inay Somaliland ka baxaan

 

Dhamaan Hay'dahii kale ee samafalka oo ay kamid ahayeen OXFAM ,Action Aid, Association of Medical Doctors for Asia ,Care .WFP .Handicap International Iyo

 Medecins Sans Frontier ( Doctors without Border) ayaa iyaguna sheegay in eriga Unosom aanu waxba ka bedeli doonin qorshahoodii oo ay sii wadi doonaan hawlihii ay ka wadeen dalka

Maamulkii dalka oo shir u qabtey hay'adaha samafalka kadib markii dalka laga eryay Unosom ayaa u sheegay ururada in arinta Unosom iyo Somaliland isku hayaan ay tahey siyaasad taasina aanay khusayn hay'adaha QM iyo kuwa aan dawliga ahayn (NGOs)toona maamulku wuxuu u sheegay waqtigaa in nabad geliyadooda ay masuul ka yihiin dawlada iyo shacabka reer Somaliland

 

Hadaba Somaliland Maxaa la Gudboon.

UN, iyo Wadamada reer Galbeedku Somaliland uma soo magacaabaan Ergay u gaar ah. Ee mar walba inaga (Somaliland ) aya isu qancina oo nidhaa “ Safiirka u qaabilsan dal Hebel Somaliya iyo Somaliland.
markaas Hargeisa ayuu iska yimaadaa, kolay Ergaygaasi dalkuu dalkuu doono ama Hay’ada uu doono ha metalo , Hargeisa wuxu ka diyaariya macluumad hoos taga Muqdishu.

Sobob ? dee Hargeisa kuma laha Xafiis uu ku shaqeeyo, adeega aad uga baahan tahayna kagama bogan kartid sacado uu xafiiska madaxweynaha kula shiro xubno ka socda Somaliland.

 

 aragtidayda waxan ku talin laha laba qodob.

 

1 – in la joojiyo waxan la yidhaa Ergayga Somaliland iyo Somalia u qaabilsan. Hadiiba cidi dan ka leedahay Somaliland waa in ay si toosa uga timaadaa ha noqoto Ergay a socda UN, ama Safiir dal kale ka yimid.
Sobob. ?
Safiirka ama ergaygu wuxuu xafiis ku leeyahay Muqdisho warbixinta halkaas ayuu ka diyaarinaya, marka xidhiidhka Somaliland iyo Somalia waa la ogyahay halkuu marayo.

 

2 – wasaarada arimaha dibeda siyaasadeedu waxay dhaafi wayday, booqasho lagu tago Nairopi, Adis Ababa iyo Dubai, iyo marmar Qurbajoog lagula kulmo Europe.
Siyaasada arimaha dibada maxaa u diiday inay Albaabada dunida garaacdo.


Siyaasada arimaha dibeda maxaa u diiday inay UN, ta u gudbiso arigtida fiican iyo Xaqiiqda ka jirta Somaliland, iyo In Somaliland Xaq u leedahay madax banaani,
waa Qayrkaa cida u gudbisa Xog haya guud ee warbixinta loo qoro warqad ka akhriya iyada oo qodaysan.
Siyaasada arimaha dibadu ma waxay awoodi wayday in ay xataa E-mail u dirto Un, ama wadamada daneeya Dimuqraadiyada.
UN, kaliya waxay xiiso u qabtaa xasarad inay ka abuurto Somaliland lkn Somaliland xaga Allah ayay ku tiirsan tahay .
Mudane Madaxweyne Wasaarada ariaha dibadu waxay u baahan tahay nin weerar badan qaada,

 

 Wabilaahi towfiiq  wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu

 

Maxamed Maxamuud Axmed ( Arts )

 

Gabiley Somaliland

063 4466498
065 9875050

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.