Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Soo Bandhigay Xalka Doorashooyinku Ku Qabsoomi Karaan, Madaxweynaha Turxaan Bixin Ugu Baaqay


(Hadhwanaagnews) Thursday, September 13, 2018 13:47:07
Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Soo Bandhigay Xalka Doorashooyinku Ku Qabsoomi Karaan, Madaxweynaha Turxaan Bixin Ugu Baaqay

Hargeysa(HWN):-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka hadlay qaabka ay ku qabsoomi karaan doorashooyinka golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanada dalku.

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa soo bandhigay caqabadaha hortaagan doorashooyinkaasi iyo go’aamada lagaga gudbi karo, isaga oo soo bandhigay waxyaabaha uu u arko xalka ay doorashooyinkaasi ku qabsoomi karaan.

Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka hadlaya caqabadaha doorashooyinkaas horyaala ayaa waxa uu yidhi “Hada caqabadan meesha taalaa waa saami qaybsi, saami qaybsina ilaa nidaam dhab ah la sameeyo suura gali mayso, wakhtigan hadhayna ilama ah in laga gaadhsiinayo doorasho, waana tan la leeyahay waxa lagu soo daray dadkii laga tirada badnaa




iyo dumarkii, marjaca aynu u noqonaynaa waa dastuurka, dastuurkuna wax kooto la yidhaa ma qorayo.”

Axmed Yuusuf Yaasiin oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Imika waxa hadhay waa lix bilood tiro koob guudna lama samayn kaas oo hadii la dedaalana qaadan kara laba sanadood oo kaamil ah,  aniguna waxaan leeyahay haddii la doonayo in doorasho dhacdo, golahana wuu raagay oo doorashadii 2005-tii ay galeen ayey wali ku fadhiyaan, caqliga saliimka ahi ha shaqeeyo oo halagu galo doorashada sidii hore, madaxweynuhuna ha balanqaado inuu samaynayo tirakoob kaamil ah  si loo ogaado gobol waliba waxa uu xaq u leeyahay tiro ahaan, markaa uu qofkuna ku soo bixi karo shan kun ama lix kun arinkaasina waa mid dambe, waxaanad moodaa macal xukuumadayadii in marka arinku kaabiga yimaado uun laga hadlo inta hore-na la sahashado.”

Sidoo kale waxa uu Axmed Yuusuf Yaasiin soo jeediyey in la liqo cabashooyinka la qabo “Anigu waxaan leeyahay ninkii cabanayoow cabashadaad lix, maantana cid kursi laga soo qaadayo oo la odhanayo gobolkaasow kursigaas keen oo gobolkan kale gee taasi ma dhacayso, anigu saaxil ayaan laba kursi ka qaaday markii ay Hargeysi cabatay, maantana Saaxil ayaaba labadii doonaysa, maantana anigu waxaan qabaa madaxweynuhu ha balanqaado in tirakoob deg deg ah la qabto oo uu caalamkana la kaashado,Laakiin haddii la doonayo in doorasho dhacdo oo xildhibaano cusubi yimaadaan taas ayaa biyo kama dhibcaan ah, waayo dhawr bilood ayaa hadhay oo wax caqliga galayana maaha in tirakoob dambe la sameeyo.”

Sidoo kale Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa madaxweynaha somaliland u jeediyey inuu dadka turxaan bixiyo “Cabasho way jiraysaa oo ma dhamaanayso, waanay haboon tahay inuu turxaan bixiyo, aniguna waliba waan kula taliyey inuu baxo oo uu bariga tago dadkana turxaan bixiyo oo uu u tago, waana mid loo baahan yahay, waana in madaxweynuhu ilaabaa wixii hore oo dhan,  marka aad madaxweyne gaadho wax walba oo kugu jirayba waad daadinaysaa, waana inuu dadka turxaan bixiyaa, waxaanan leeyahay labada xisbi waxa ay ku wada socdaan ee xaga doorashada ah waa mid biyo kama dhibcaan ah inuu ku raaco oo u fuliyo.”

Waxa kale oo uu fariin u diray bulshada somaliland waxaanu yidhi “Dadkana waxaan leeyahay aniga ayaaba cabanaya qofna cabasho kama dhamaato balse waxa weeyaan inuu qofku wax badan liqaa, madaxweynahana waxaan leeyahay dhawr shay ayaa muhiim ah in dalka laga miisaamo, sagaal kursi oo sare sida aan qabo waa inay miisaanadaan.”ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin oo u waramay Eryaltv.

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.