Wiilkii Lagu Xidhay Labista Dirayska Ciidamada Oo Dib U Helay Xorriyadiisa


(Hadhwanaagnews) Thursday, September 13, 2018 18:01:50
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Faysal Sugaal oo dhawaan lagu xidhay Magaaladda Hargeysa ayaa goor dhaweyd dib u helay xorriyadiisa.

Faysal oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa sheegay in uu iminka banaanka joogo isla markaana la soo daayay.

In kasta oo aanu ka hadal sababta loo xidhay, hadana waxa si weyn la isula dhex marayay in xadhigiisa uu ka danbeeyay ka dib markii uu ku labistay dirayska u gaarka ah ciidamada qaranka Somaliland.

Dhinaca kale wararka xadhigiisa la xidhiidha ayaa iyaguna sheegayay in uu dhaleecayn ujeediyay xukuumadda talada haysa isla markaana uu soo bandhigay qaabka ay ku sii dhisnaan karto Somaliland isaga oo




isticmaalay weedho ay ka mid yihiin, Somaliland la wada leeyahay.

Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Biixi ayaa intii u danbaysay uu dulqaadkeedu aad u yaraa, waxaana jira dad badan oo xabsiyadda loo taxaabay kuwaas oo falal kala gedisan lagu xidhay.

Geesta kale Xukuumadda ayaan iyaduna wax jawaab ah ka bixinin sababta loo xidhay Faysal Sugaal oo dib ugu soo laabtay Somaliland, ka dib markii uu in badan ku noolaa qurbaha.

dadka yaqaana Faysal Sugaal ayaa isku raacsan in uu yahay nin dhalinyaro ah oo dalkiisa iyo dadkiisaba jecel.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.