Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin Waxa Ay Isku Yihiin Madaxweyne Iyo Madaxweyne Kuxigeen Sida Odey Cali Waraabe Inoo Cadeeyay


(Hadhwanaagnews) Thursday, September 13, 2018 19:38:07
Haddaba Miyaanay Noqoneynin in Laga beydhay Wixii ay Somaliland Tusaalaha ugu aheyd Umada Soomaalida oo dhan iyo Afrikaba Marka Muuse Biixi iyo

 

Maalinba Maalinta Ka Dambeysa Waxa isasoo Taraya In ay Soo baxdo Siraha ku duugan Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo Dastuurka iyo Shuruucda Dalka dhaawac ku ah Nidaamka Dawlladnimo iyo Qaranimada Somaliland ee Rabitaanka Shacabka ku dhisana god madaw ku rideysa maxaa yeelay iyadoo ay jiraan Wakhtigan Saluug laga qabo Awoodaha Dastuuriga ah oo qeybo Shacabka Reer Somaliland ay Mudada Xukuumadanba ka qeylinayaan Taas




oo habeen iyo Maalinba Taagan.
Waxeynu Wada ognahay in Nidaamka aynu qaadanay ee Domuqraadiyadda iyo Doorashooyinku yihiin Mid Shacabku Raali ka yahey oo ay Codkooda ku Bixiyaan taas, oo ah tan aynu Nidaamka Xisbiyadda u qaadanay Si hadba Cida talada haysa ay ugu Xalaalowdo in ay Shacbiga iyo Talada dalka.ku Hogaamiyaan Cadaalad iyo Sinaan aan.lagu kala Sadbursan taas.oo ka turjumaysa.Waxa ay Somaliland iyo Shacbigeedu kaga Duwan yihiin Soomaalida kale oo Dhan iyo inta ugu badan ee Dalalka Dariska ah iyo Dawlladaha Afrikaanka intooda badan, Waxaanay Wadada u Xaadhaysaa in Halgankii iyo jidkii dheeraa ee umaddani soo martey Sabab u yahey Nidaamkaa Fiican iyo Masiirka umadeed.
 
Haddaba Miyaanay Noqoneynin in Laga beydhay Wixii ay Somaliland Tusaalaha ugu aheyd Umada Soomaalida oo dhan iyo Afrikaba Marka Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ay Madaxweyne iyo Kuxigeen isku noqdaan iyaddoo aynu ognahey in Labadii Nin ee Doorashada Kulmiye u taagnaa ay yihiin Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici Soomaalidu Waxey tidhaa Waxa uurka Kujira ayuu afku Kaa Xaddaa hore Waxeynu u Wadaagnay in Madaxweyne Kuxigeenku Su.aal la Weydiiyay oo Siru Daali aheyd ku Sheegay in Markii hore ay isla cadibnaayeen Inamo Wasiiro ah oo Madaxweynihii hore adeer u ahaa badankooda halka imikana Xukuumadan Dambe uu u yimid Nin Madaxweyne Kuxigeenkiisii Wata Waa Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahine taa Waxaa markhaati ka ah oo Shacabka Somaliland u cadeeyay Odey Cali Waraabe oo kamid ah Duqeyda Waaweyn iyo Ganacstada Somaliland ee ka ag dhaw Xukuumadaha iyo Madaxda Sare Waxaanu Yidhi "haddii inankaasi i yidhi adeerkiibaa Madaxweyne ah isaguba Miyaanu ogeyn in Ninka Labaad ee ugu Awooda Badani yahey adeerkii Maxamed Kaahin" Waa Arin dhab ah tan uu ka hadley Odey Cali Waana Waxan ay habeen iyo Maalin Beelaha Somaliland oo Beesha Dhexe u badani.ka cabanayaan Waana qeyra Dastuuri Mugdi iyo Jid baydhsan galinaya Rajada Somaliland iyo Dimuqraadiyadeeda iyo Cadaaladii laga Filayey Sababtoo ah Shacbigu Wuxuu Raali ka yahey in Maxamed Kaahin noqdo Wasiir Xukuumada katirsan oo Amniga Qaabilsan laakiin in uu Awoodii Dastuuiga aheyd ee Madaxweyne kuxigeenka Qaato Waxa ka imanaya in laga kaco oo Kacdoon Shacbi lagu diido Xukuumada Biixi Beelo dhana ay u Cuntami Weydo.
 
Sikasta oo ay tahey, Waxaan Kusoo khatimayaa Awrna Xamilkiisa mooyee Xadhig qaloocan ma qaadi karro Halkii ay ka qaloocatey Xukuumadii hore ee Kulmiye ee Odey Siilaanyo in ay Awoodii gacanta u gasho qof aan Shacbigu Dooran oo Shaadhka Madaxweynaha Xidha taas, oo Wax badani inagaga Xumaadeen Dhaliseyna Murankii Doorashada iyo Mushkiladaha maanta taagan ee Somaliland ku Yeelatey Jabhad kasoo horjeeda oo Hubaysan Wabilaahi Tawfiiq
 
Najiib Ismaaciil Maxamed
Gabiley Somaliland
Tell:0634466339
 
 



©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.