Beelaha Bah Bilaal(Muuse Abokor) Oo Shaaciyey Suldaan Ay Dhawaan Caleemo Saari Doonaan+SawiroBah


(Hadhwanaagnews) Thursday, September 13, 2018 19:38:55
Beelaha Bah Bilaal(Muuse Abokor) Oo Shaaciyey Suldaan Ay Dhawaan Caleemo Saari Doonaan+SawiroBah

Hargeysa(HWN):-Beesha Bah Bilaal(Muuse Abokor) ayaa shaaciyey suldaan cusub oo ay dhawaan caleemo saari doonaan.

Shir maanta ay  qaar ka mid ah madax dhaqameedka beesha Muuse Abokor ku qabteen magaalada Hargeysa ayey ku shaaciyeen inay dhawaan caleemo saari doonaan Suldaan Siciid  Cabdi Jaamac (Hadhiye).

Gudoomiyaha cuqaasha gobolka Maroodijeex Caaqil Xuseen Colaad Jaamac (Halac) oo ka hadlay munaasibadan

“Waxaan ka rajaynayaa oo aan hubaa inuu noqon doono suldaan ku soo biiray beelaha Arab oo ku soo biiray beelaha somaliland kaas oo nabad galyada ka qayb qaadan doona.”






border="1" cellpadding="1" cellspacing="1" style=" 500px">

Sidoo kale Caaqil Cadaawe oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa soo dhaweeyey Suldaan Hadhiye waxaanu yidhi “Waxaan ilaahay uga baryayaa inuu noqdo Suldaankii nabad keena ee barwaaqo keena, ee lagu raysto ee lagu nagaado ee lagu barwaaqoobo.”

Caaqil Kayse Muxumed oo isaguna ka hadlay munaasibadan shaacinta ah ee Suldaan Siciid Jamac Hadhiye ayaa waxa uu yidhi “Suldaanka cusub ee la caleema saarayaa waa taariikh dheer oo meel ka ool ah, sidaas awgeed waxaanu ku kalsoonahay inuu Suldaan kasta oo somaliland ah uu garab taagan yahay”

Sidoo kale siyaasi Cali Cawil oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu ku taageernay markii la yidhi Suldaankii ayaa loo qaatay isaga oo Hadhiye ah oo suldaankii ah sadex cisho ka hor ayuu aniga ii sheegay waanan ka aqbalay waanan ku taageersanahay.”

Ugu dambayn Suldaan Siciid  Cabdi Jaamac (Hadhiye) oo ka hadlay munaasibadan ayaa waxa uu yidhi "Waxaan u mahad celinayaa munaasibadan ay soo qaban qaabisay beeshan I caleemo saaraysaa, maantana waxa halkan layskugu yimid in la shaaciyo caleemo saarkayga, sidaas darteed hambalyada waan ka gudoomayaa marti sharaftan,  waxa kaliya ee  aan idiinka fadhiyaa inaad iigu ducaysaan xilkan.”

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.