Dimuqraadinimadiyo, Diintu Waxay Wadaagaan, Daacadnimada Oo Qudha, Dadkuinay U Simanyiin


(Hadhwanaagnews) Friday, September 14, 2018 09:52:45
Daacad Inay Ahaadaan, Derderaan Qofkii Neceb, Dabadhilifka Tuugiyo, Daarta Dheer Ninkii Dega

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,A.S.C.W.R.W.B.
SALAAN GAARA BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
                              

DAWLADNIMO HADDAY TAHAY,SIDAAN DOONAYEN RABO,

DADKUNA IGU ADDEECAAN,WAX I DIIDAN LABA ARRAG,

DURBAANADA LA II TUMO,DULMIGU UU XALAAL YAHAY,

DILKA IYO DHACIYO BOOB,DISTOORKU AANU QABANAYN..
                     

DANYARTA IYO MA GARATIDU,GAAJADA DUGSANAYSAA,

DUSHOODANA KU NOOLYIIN,DARXUMADA KUWII BADAY,



12.0pt; font-family: "Agency FB",sans-serif;">DERAYS QAAR LA SIIYOO,DADKUUN LAGU CABSIIYIYO,

DAMEERO MALAB LA SAARO,DEROJOOYIN LAGU TOLAY,

 

DAACAD INAY AHAADAAN,DERDERAAN QOFKII NECEB,

DABADHILIFKA TUUGIYO,DAARTA DHEER NINKII DEGA,

DACWAD AAD SAMAYSIYO,DOODUBA MABNUUC TAHAY,

DADKU AAMUS QAAYIBAY,DEBNAA RUUXNA FURI KARIN.

 

DIINTTII SHEEGAD MOOYEE,DAWLADNIMADA LAGA TIRAY,

DUMAR IYO RAGGBAA SIMIN,MID HORAA KU DUMAY BERI,

DIMUQRAADINIMADA IYO,DIINTU WAXAY WADAAGAAN,

DAACADNIMADA OO QUDHA,DADKU INAY U SIMANYIIN.

     ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.