Masuuliyiinta Xidhiidhka Ciyaaraha Somaliland Oo Safar Shaqo ugu baxay Boorama


(Hadhwanaagnews) Wednesday, October 10, 2018 23:55:44
Madax Ka Socota Xidhiidhka Ciyaaraha Soomaalilaan Oo Safar Shaqo ugu baxay Boorama

Hargeisa(HWN):-Wefti uu hogaaminayo Guddoomiyaha XKCSL Mr. Maxamed-Ammiin Cabdi Dixood oo ay ku wehelinayeen Xoghayaha Guud ee XKCSL Mr. Samatar Maxamed Cabdilahi iyo Gudoomiyaha Garsoorka Khadar Jiilaal, ayaa safar shaqo oo ujeedkiisu ahaa dar-dar gellinta shaqadda XKCSL iyo in la gaadhsiiyo guud ahaanba Gobollada Somaliland, ku tegay magaalo madaxda Awdal ee Borama.
 
Masuuliyiinta XKCSL ayaa muddadii ay safarka shaqo ku joogeen magaaladda Borama waxa ay kulamo kala duwan la yeesheen Isu-duwaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Gobolka Awdal iyo shaqaalihiisa, Badhasaabka Awdal, Maayarka Degmadda Borama, Garsoorayaasha kubadda cagta, Masuuliyiinta kooxaha heerka koowaad, Tababaraayaasha xulka kubadda cagta Gobolka Awdal, iyo qaar ka mid ah




ciyaartoydii hore ee Gobolka Awdal.
 

Weftiga XKCSL iyo guud ahaanba kulamaddii kala duwana ee ay yeesheen ayaa noqday kuwo si weyn loo soo dhaweeyay in XKCSL uu shaqaddiisa balaadhiyo, Gobollada Somaliland uu wada gaadhsiiyo iyo in xubno wakiilo XKCSL  uga noqda Awdal la magaaco si ay ula shaqeeyaan Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Gobolka Awdal.

Dhanka kale, kulamaddii kala duwana ee XKCSL uu la yeeshay guud ahaan Musiiliyiinta heer Gobol iyo Degmo, Wasaaradda, Tababarayaasha, Garsoorayaasha, kooxaha iyo bahda ciyaaraha ee Gobolka Awdal ayaa waxaa la isku afgartay qoddobadan hoos ku qoran:
 
1. In XKCSL iyo Wasaaradda Ciyaaraha ee Gobolka Awdal ay wada shaqeyn wanaagsan yeeshaan si tartamo u qabsoomaan
 
2. In XKCSL uu magacaabo saddex xubnood oo noqon doona xubnaha Gobolka Awdal wakiiladda uga noqonaya 
 
3. In Garsoorayaasha kubadda cagta ee Gobolka Awdal tababar aqoontooda kor loogu qaadayo la qabto
 
4. In sidoo kale Tababarayaasha kooxaha heerka koowaad ee Gobolka Awdal iyagana loo qabto tababar aqoontooda kor loogu qaadayo 
 
5. In tartan qurux baddan oo si Toos ah looga daawan doono HCTV uu XKCSL u qabto kooxaha heerka koowaad ee ka dhisan Borama 
 
6. In sharci hoosaadka XKCSL la gaadhsiiyo kooxaha heerarka kala duwan ee Awdal si ay ku dhaqankiisa ay fahmaan
 
7. In maamulka, macallimiinta iyo ciyaartoyda kooxaha heerka koowaad ee Borama uu XKCSL diiwaan-geliyo si loo hirgelliyo nidaamka sharci ee kala wareegidda.
 
Safarkan shaqo ee XKCSL uu ka bilaabay Gobolka Awdal ayaa noqonaya mid uu guud ahaanba ku soo mari doono Gobollada Jamhuuriydda Somaliland, waana markii ugu horeysay taariikhda ee talaabaddan billowga ah la yimaado Xidhiidh ciyaareed, waxaana ay ku timid ballan-qaadkii wakhtigii Doorashadda XKCSL uu Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenkiisu ay ku khudbadeeyeen.
 
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland
 



©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.