Dhulku Maadh Badanaa Ma Magaalo Yar Baa ( Abdi-Shotaly)?


(Hadhwanaagnews) Thursday, October 11, 2018 06:37:08
Waxa aanu ku oolin dhinaca xaafadda askariga, sidaas awgeed, dan kama laha ee waa ha isku dumo, maxaa kaa galay, wixii aan dhan

  Akhristw, beenta iyo daba-gaalaynta, wax aan jirin abuuristu, ciira isku qarintu, wax soo bixi doona buste ku dedeku, waa dhaqanka Maamulka Kulmiye, oo wixii illaahay xaaraan-timeeyey caadaystay ku dhaqan-keedda, sidduu isu lahaa xaqiiqdda ummadda ka qari, oo kolba meel ku dhukus, oo yaan la helin, lana arkin, maqlin, waxa aad isku cayn iyo bayd goynayso, waxas-e




ka khaldan, oo ay ka aradan yihiin, waxa ay tahay runtu iyo daacadu, ummaduna maaha mid afka la qaban karo, oo hortii jire-ba waa.  Somalidu wax walba way waraystay, xataa hadalka laf-tiisii, bay wax weydiisay, waxay yidhaah-deen " Beeneey maxaad tartaa". Waxa tidhi, ruux aan meel uu u raaco lahayn, Ayaan u waramaa, ka-se aan ka gabadaa, waa ka I raad gura. Akhristaw,  xaalku waa " Ceebeey Tacaal" goormaa la arki jirey, dad ka dambeeya, oo ka hadha wax beriba lugta la soo qaban doono, oo aan meel gaadhsii-sanayn, oo khiyaali-huf iyo been ahaa, oo lagu madarufi-naayey ummadda, miyaanay is lahayn, wax qarsoomayaa ma jiraan, ee waa la idinka horeeyaa, oo la idinka dambeeyaa, oo hareeri-hiina baa saxaafadda ugu xidhan tahay, aanteeno tusbaxley ahi, oo meel walba dadsan, si toos ah u soo lalisaa, wararka shakiga laga qabo, oo markiiba ummadda hor keenta, wixii la hadoodi-laayey, Ayaan daro weynaa, ilayn nimaan xishoonayn dagaal xeeli kama hayso.

 
Bixisaa ku wadatoo, ma taqaanid beenta'e, runta barasha-deeddaa, belo kaa hor joogtaa, sidaas awgeed, Fartu diiday in ay taabato halka bugta, oo milil korkii baa la dhay-dhayayaa, meel malax iyo dheecaan fatahaysa baa la inoogu sheegayaa, malabki doocaan iyo xareeddii naanidda ahayd, qudhun la hadoolilo iyo geed sare waab, baa la isku qarinyaa, oo runtii fantay noqotay, hadal aan wax tarin iyo riyo neefaaq ah, baa la isku maaweeli-nayaa, Jiho wareer iyo waali baa muwaadi-niintii lagu hurgufayaa. Wuxu yidhi Qaasim (IHN) " Haddii caad cadeed lagu dhex daro, Wayska cidin-ciide, Caamadu ( Waa jeeganta'e), waxay moodayaan, Curasho dayreede, anigaase mooradan Cakiran, kuu cadayn kara'e" maalin-ba meel ay wax ku cunaan ma waayaane, wixii hore-ba saleelo bay ahayde, imika baa la iska cadaystay, oo kan uurka taangiga ah leh, waa ka ay yidhaahaan wuxu yahay, Maayar-ku-sheega Hargaysa ( Solteco), baa toos u cadaystay, bahashii qabyaaladda ahayd, oo yidhi " Madaxtooyadda iyo dawladda hoose, waxan u raraynaa dhinaca-yagga ( Waar Ma Aabihii baa leh), saw maaha iyadda oo aaa biyo is marin, oo siddii geel hor-weyn ah, oo soo cabay dhanihii Ceel-dhanaan, wabaxa dhabarka isu jeediyey, damacay in uu la carabao intii ka sii qiiqaysay Hantidda ummadda. Maxaa daan keliya wax walba geeyey? Maxaa magaaladda ka dhigay daan-taas oo keliya? markaas baa weliba uu doonnayaa in lagu taageero, waa wax laga yaq-yaqsi-yoodo. badheedhka cayn-kaas ah, ee aan la qaba-naynin, bay weliba wax qabad noogu sheegayaan.
 
Akhristaw waxa la yidhi " Hadaan sacabka xeeladdii ku jirin, maxaa habeekii uun loo shamiraa ciyaar soomaalidda, ee had-cad loo qaban waayey? " waxa weeye, wax baa lagu qarinayaa, oo ah in ay fiidkii dhalintu isku shukaansato madawga, si aan loo arag, ilayn qoraxdda oo soo jeedda haddii la isku arko, waa la garana-yaaye, markaa waa in ay mugdigga habeenkii isu dhuumaalays-taan. Waxan hadaba uga socdaa, waa lagu af-gobaad-sanayaaye, inta meel aan wax qabin la raraayo, maxaa lacagta la gelinaayo, loogu samayn waayey Biriijka Weyn ee hargaysa, kaas oo  sii liicaaya, khatarna ku jira in uu gebi ahaan-ba dumo, wakhti aan fogayna uu daad qaadi doono. su'aashu waxa weeye, tolaw isaga ma dan baan laga lahayn? Oo daanta xaafadda askariga baanu ku oolin? mise wax baan lagu cuni karin isaga? waa side xaalku? aan ku siiyo jawaabta'e, waxa weeye:-
(1) Waxa aanu ku oolin dhinaca xaafadda askariga, sidaas awgeed, dan kama laha ee waa ha isku dumo, maxaa kaa galay, wixii  aan dhan kayaga ahayn.
(2) Sababta labaad waxa weeye, dayac tirka Biriijka waxa uga boob badan, iyaka oo meel weyn isku qaadda, oo hanti balaadhan ka dhex saara.
(3) Deegaanka beelaha aan ahayn Jeegaanta oo Iyana aan wax loo ogolayn, ee lagala dagaalamaayo horumar, samayn daayo , xataa in la dayac tiro waxa sii baaba'aya.
 
Siddii caruurtii marka ay gurguur-taan, wax walba soo qabsan jirey, ee afka geli-naayey, ee odhan jirey " Dhulku maadh badanaa ma magaalo yar baa?" buu kanina wax kaste caloosha u gubina-yaaye, aynu eegno marka uu mas qabsado, ee uu uurka kuusan ka fajaaso. Waxan ku soo qoofalay maqaalkan akhriistaw,  "Wan weyni ilaa la gawraco, indhissu cirka ma arkaane" Kan uurka kuusan ( Solteco), ee noqday kii la yidhi " Ma Kash-bacay, Kelyuu May Kareen, Kadab La'aan Taydda" Waad ogaydeen, markii lagu doortay qabyaaladda, ee lagu magacaabay Maayarka Caasimadda, waa tii lafta iyo haragu ay isku dhejis-naayeen, oo aad moodaysay in uu qaaxo ka soo kacay, waxa afuufay siddiiMaskii la odhan jirey Jebisadda, wax kale maaha, ee xaaraan baa bararisay, horaa-se uu Cali Sugule Dun Carbeed u yidhi "Xaqu in aanu qaran jabin, quraankaa cadeeyoo, dadkan, qaybti kii cunay, bay ku maqantay qaaniye, wakhti ay ku qarax-daba, qaaxo kama fogaato" Maalin ay noqoto-ba Rabbi wuu arkayaa, cashuurtii masaakiinta silcaysa, sidda ay tartaradu ugu kareen, ee uu u neefsan la'yahay, sun iyo boog buu daaci dhawaan, isaga oo aan filayn, imika malaha isma laha'e, oo sidan baad ku Jiri doontaa iyo malabsi-gaas, buu isku maaweeli-yaaye, Kuma uu xistaab-tamin way ku soo gabi doon-taaye, kaliilaw kaadso kama dhereg ha noqonine.
 
N.B Ma Taqaanid Beenta'e, Runta Barash-deedaa, Belo Kaa Hor Joogtaa!
  Qore:- Abdi-shotaly

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.