FALANQAYNTA LABADAN SAWIR...W/Q Xasan Gumburaawi


(Hadhwanaagnews) Thursday, October 11, 2018 12:34:03
FALANQAYNTA LABADAN SAWIR...W/Q Xasan Gumburaawi

FALANQAYNTA LABADAN SAWIR...W/Q Xasan Gumburaawi

Madaxwayne Muuse biixi sinaba uga maarmi maayo gabadhaas reer Hawd ee ka waayo aragsan xaga diblomaasiyada caalamka Dr. EDNA ADAN ISMAIL

waa laba shaqsi oo isku deegaan ah HAWD ayay degaan labadooduba xoolohooduna wada daaqaan

Waa suurto gal inuu wasiirka arimaha dibada ka dhigto markuu shaandhayntiisa ugu horeysa ku sameeyo xukumadiisa,




sababtoo ah wasiirkiisa arimaha dibada ee hada Dr Sacad Ali Shire waxa dul hoganaya dhalecaymo iyo dibu dhac ku yimid arimihii dibada ee dalka intii uu wasiirka ahaa

Madaxwayne Muuse biixi dalka gudihiisii waxa kaga kacsan duufaano siyaasadeed oo dhulka la galay xukumadiisii waxaana u raacday arimihii dibada mana jirto meel uu maanta u baxo sababtoo ah ma haysto qof la mid ah Dr EDNA ADEN oo kale oo xafiis xafiis u garaaci kara caalamka

Waxa se jab ka taagan yahay Dr Adna Aden iyo Muuse isku waari maayaan oo ma sii wada shaqaynayaan waayo Dr Adna Aden waa qof neceb qabyaalada waana sababtii ay siilaanyo uga booday xukumadiisii, Halka Muuse na ay qabyaaladu tahay mid ka mid ah xididadiisa oo ay qabyaaladu sida dhiiga u raacdo

@Hassan Gumburaawi




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.