Kaftanka Maanta , Grand Haddi Waa Maxay , Hadalkaaba Gaadhee ? W/Q: Ahmed Nour Guruje


(Hadhwanaagnews) Thursday, October 11, 2018 14:41:11
Dabeeto cabdiqays oo la yaabay ninkii hadraawi ee lahaa soomali wayn baan isla raadinaya waxa maansadiisa ku soo celiyay

Sheekaba sheeko ayay keentaaye , waaggii todobaatanaadkii ee ay socotay silsiladdii siinlaydu , ayaa mar ay wada hadlayeen hadraawi iyo cabdiqays ayuu hadraawi tiriyey maanso ay ka mid ahaayeen baydadkani

Cabdiyoow ka saan wayn

Saabkaad u gelisoo

Sinta waxay ku haysaa ,

Subulaha galbeedoo ,

Ninka saylac joogaa

Sanqadheeda mooyee

Ma yaqaan sirteedee

Dabeeto cabdiqays oo la yaabay ninkii hadraawi ee lahaa soomali wayn baan isla raadinaya waxa maansadiisa ku soo celiyay subulaha ooh buuero yaryar oo wajaale hawd kagga beegan ayaa ugu jawabay ,

Waxaan




sugayay sheekada

Inaad Sarre u qaado

Soohdintii galbeed iyo

Iimay la socotee

Subulaha na waa maxay

Suulkaaba gaadhee .

Imika waa halkaase , kulmiye waxaa inoogu war danbaysay horaa loo soconayaa. Wasiir sacad na aqoonsigii oo uu soo walwaalo ayaynu ka filaynay , hadiise hore u socodkii kulmiye iyo baadidonkii sacad isugu biyo shubteen shirkii grand haadi wuxuunaynu leenahay ,siddii cabdiqays

Horre socosho dunidiyo

Hoyga Washington iyo

Hindiyaan ka filaynee

Grand haddi waa maxay

Hadalkaaba gaadhee ? .

W/Q: Ahmed Nour Guruje

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.