Dhambaal Wadde!.


(Hadhwanaagnews) Thursday, October 11, 2018 14:51:47
Ceerigaabana Habeen loogu dhaxo hase yeeshee waa Awoodaha ilaahay u galiyo Addoomahiisa waana mid

Xilligii Ingiriisku guumaysanayay Somaliland eenay Qaaradda Africa soo gaadhin Gaadiidka casriga ah ee dheereeya iyo Technology-yadu.

Waxa jiray rag Waraaqaha qaadi jiray oo qaarkood u lugayn jiray Gobolada iyo magaalooyinka "Dhambaal wadde" ayaa loo yaqaanay magacooda.

Waxa jiray Rag Hargeysa markay ka Quraacdaan Subaxdii, Berberana Qadeeya! Burcana galabnimada ka shaaheeya! ilaa Ceerigaabo Habeen u dhaxa!. Ragga waxa kamid ahaa Maxamed Buraale oo ahaa Nin "Ciise Muuse ah" ragii dheerayn jiray sida Fardaha ee isagana lugayn jirayn dhul aad u fog! Waa macquul inaad is waydiiso Siday suuro gal u tahay in Hargeysa,Berbera, iyo Burco maalin kaliya lug loogu gaadho! Ceerigaabana Habeen loogu dhaxo




hase yeeshee waa Awoodaha ilaahay u galiyo Addoomahiisa waana mid jirtay waagaa, arimaha waxa iiga sheekeeyay Nin waayeel ah oo aan maalin dhawayd kula kulmay Goob maqaaxi ah oo ku taala gudaha suuqa Hargeyaa aniga iyo rag kale.

Heeso badan oo waxa jira Jacayl ah oo uu ku xusan yahay magaca "Dhambaal wadde" intan ka xasuusto waxa kamid ah Hees ay wada qaadaan Fanaaniinta Axmed Cali Cigaal iyo Saynab Cige " Dheereeyahiibaan kuu dhiibayayo dhawaaqa gaadhsii, "Mahad sanid Dhambaal wadde".

Waxa isna jiray oo la sheegaa Ismaciil aw Da'uud oo ahaa Nin Ciidagale ah oo Abokor muuse ah, wa ninka Waraabe eryaday ee Afarta jihaba intuu uga cararay kasoo celiyay!.

Soomaalidii hore awoodda ilaahay galiyay iyo quwaddooda waxa jiri jiray Rag haddii ay Cararaan goob cidla ah oo ban ah aan istaagi karin ilaa ay Geed qabsadaan oo ay isku celiyaan Xawaaraha iyo awooddda orodka ay ku socdaan awgeed!. Maanta maxaad u malayn ninka ugu dheereeya lugta ilaa halkuu gaadhi karaa?.

Dhambaal wadde.
Waxa qoray: M M S.

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.