Dawlada Soomaaliya Oo Dajisay Qorshe Lagu Xuso Weeraradii 14-kii October Ee Sanadkii 2017 Ka Dhacay Isgoyska Zoobe Ee Muqdisho


(Hadhwanaagnews) Friday, October 12, 2018 00:46:39
Dawlada Soomaaliya Oo Dajisay Qorshe Lagu Xuso Weeraradii 14-kii October Ee Sanadkii 2017 Ka Dhacay Isgoyska Zoobe Ee Muqdisho

Muqdisho(HWN):-Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mar kale soo bandhigtay qorshe ay u dejisay weeraradii 14-october ee sanadkii hore lagu laayey dadka faraha badan ee ku noolaa magaalada Muqdisho.

Shirkii golaha wasiirada ee dawlada soomaaliya ayaa lagu falanqeeyey dhibaatadii xanuunka lahayd ee ka dhalatay weeraradii 14-kii October ee sanadkii 2017 ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Golaha wasiirada soomaaliya ayaa dood ay yeesheen ka dib waxay isku raaceen in xus qaran loo sameeyo dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe iyo dadkii hantidooda ku waayey qaraxyadaasi.

Shirka golaha wasiirada oo uu gudoominayey raysal wasaare ku xigeenka soomaaliya Mahdi Maxamed




Guuleed ayaa lagu go’aamiyey in 14-ka October loo aqoonsado maalin qaran oo lagu xusuusto dadkii ay dhibaatadu ka soo gaadhay qaraxyadii isgoyska Zoobe, iyada oo la aaminsan yahay inay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 500 qof, halka dadka kale oo tira badana ay ku dhaawacmeen isla markaana ay jiraan qaar ku hanti beelay




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.