Ciyaaryahan Arda Turan Oo Lagu Soo Eedeeyay In Uu Sanka Jabiyay Fanaan Caan Ka Ah Turkiga


(Hadhwanaagnews) Friday, October 12, 2018 10:09:24
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Ciyaaryahanka caanka ah Arda Turan ayaa ay su’aalo weydiiyeen Booliska dalkaasi ka dib markii lagu soo eedeeyay in uu gacan u qaaday Heesaa dalka Turkiga caan ka ah oo lagu magacaabo Berkay Sahin.

Goob habeenkii lagu caweeyo oo ku taala dalkaasi ayay wararku sheegayaan in uu khilaaf ku dhex maray labadan nin ee ciyaaryahanka iyo heesaaga ah, halkaas oo uu ku dhex maray dagaal gacan ka hadal oo ah oo sababay in ciyaaryahanku Turan uu sanka jabiyay heesaaga Berkay.

Xiddiga Caanka ah ee Turan ayay muddo saddex saacadood ah su’aalo weydiinayeen ciidamada Boolisku, kuwaas oo uu ugu tagay saldhigooda.

Ciyaaryahankan ayay marka




hore isku dhaceen xaaska Fanaanka, ka dibna waxa ay u soo gudubtay labadooda, halkaas oo uu dagaal ku dhex maray.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.