Ra'isal Wasaaraha Soomaaliya Oo Dib Ugu Laabtay Muqdisho


(Hadhwanaagnews) Friday, October 12, 2018 14:37:41
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Ra’iisul wasaaraha Dalka Soomaaliya Mudane, Xasan Cali Kheyr, ayaa maanta Dalka dib ugu soo laabtay, markii booqasho rasmi ah uu laba cisho ka hor ku tegay Dalka Boqortooyada Sucuudiga Carabiya.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa intii ay ku sugnaayeen Dalka Sacuudiga waxay kulamo la qaateen Boqorka Dalkaasi, Boqor Salmaan Bin C/casiis iyo dhaxal sugahiisa Maxamed Bin Salmaan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee Labada Dal iyo sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha ganacsiga , fursadaha maal-gashi ee Dalka ka jira iyo horumarinta dhaqaalaha Dalka.

Mudane, Kheyre, ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa waxa uu soo booqday Xaramka barakaysan, isaga oo halkaasi kusoo Cumraystay, una soo duceeyay Dalka




iyo Dadka Soomaaliyeed.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.