Addis Ababa: Ciidamadii Cabashada U Tagay Xafiiska Ra'isal Wasaaraha Oo Raali Gelin Bixiyay


(Hadhwanaagnews) Friday, October 12, 2018 14:59:54
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Qaar ka mid ah ciidamada Milatariga Waddanka Ethiopia ayaa markii ugu horeysay raali gelin buuxda ka bixiyay fal ay dhawaan ku kaceen, ka dib markii ay iyaga oo hubaysan ay xafiiska Ra’isal Wasaaraha Waddankaasi cabasho la hor tageen.

Warkan oo lagu baahiyay FANA ayaa Waxa ay ciidamadani sheegeen in ay aad uga xun yihiin falkaasi isla markaana shacabka iyo xukuumadda wadankaba ay raali gelin ka siinayaan falkaasi oo ay ku tilmaameen in uu ahaa mid aan wakhtigan haboonayn.

Ciidamadan ayaa raali gelinta bixiyay ka dib markii ay kulan la yeesheen Wasiirka Gaashaandhiga iyo taliyaha ciidamada Qalabka Sida ee Ethiopia.

Ciidamada Xafiiska Ra’isal




Wasaaraha Tagay ayaa tiradoodu ay gaadhaysay  250, kuwaas oo cabasho ku saabsan mushahaarkooda la hor tagay iyaga oo markii danbe la isku af gartay in la dhamayn doono wixii cabashadoodu ay salka ku hayso.

Ra’isal Wasaare Abiy ayaa dhagaystay Cabashada Ciidamada Waxaanu gunaanadkii u balan qaaday in wax badan laga qaban doono cabashadooda.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.