Ra'isal Wasaaraha Talyaaniga Oo Soo Gunaanaday Safarkiisii Addis Ababa


(Hadhwanaagnews) Friday, October 12, 2018 15:14:31
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Ra’isal Wasaaraha Waddanka Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa soo gunaanaday Safar laba maalmood ahaa oo uu ku joogay Magaaladda Addis Ababa ee xarunta Dalka Ethiopia.

Intii uu Addis Ababa ku sugnaa waxa uu kulan la yeeshay Ra’isal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Ali, waxaanay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka labada wadan.

Giuseppe Conte ayaa Addis Ababa waxa uu uga anbabaxay dhinaca Magaaladda Asmara ee Caasimadda Wadanka Eritrea, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxweynaha Dalkaasi.









©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.