Maxaa Keenay In Dawlada Itoobiya Ee Saamiga Ku Leh Dekeda Berbera Ay Ka Maqnaato Saxeexa Heshiiska Dekeda Cusub?


(Hadhwanaagnews) Friday, October 12, 2018 16:43:31
Maxaa Keenay In Dawlada Itoobiya Ee Saamiga Ku Leh Dekeda Berbera Ay Ka Maqnaato Saxeexa Heshiiska Dekeda Cusub?

Hargeysa(HWN):-Dawlada Itoobiya ayaan ka soo qayb galin heshiiskii lagu saxeexay dhismaha dekeda cusub ee ay maal galinayso shirkada DP World.

Dawlada Itoobiya oo qayb ka ah heshiiska lagu maal galinayo dekeda magaalada Berbera isla markaana leh saami cadadkiisu yahay 19% ayaan ka hadal sababaha keenay inay ka maqnaato heshiiska lagu saxeexayey maal gelinta dekeda cusub ee dhawaan la bilaabi doono.

Xukuumada somaliland ayaan dhinaceeda wax faah faahin ah uga bixin sababta ay itoobiya uga maqan tahay, isla markaana ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dawlada Addis Ababa.

Dhinaca kale dawlada Itoobiya ayaan wali cadayn danaheeda mustaqbal




ee dekeda Berbera, iyada oo u muuqata inay u janjeedhsanayso dhinaca dalka Eritrea oo ay wadda gaadheen heshiisyo nabad galyo iyo mid la xidhiidha isticmaalka Itoobiya ee dekeda Asmara.

Tan iyo wakhtigii uu bilaabmay isbadalka siyaasadeed ee ka socda dalka Itoobiya, waxa la dareemayaa in hoos u dhac ku yimid xidhiidhkii somaliland iyo dalka Itoobiya, iyada oo raysal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya uu u muuqdo mid aan danaynayn arimaha somaliland.

 

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/somaliland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.