"Goboladdaa Barriga Waa La Ogyahoo Dawllad Soo Gaadha Anaka Tii Ina Cigaalbaa Uguna Horeysay Uguna Dambeysay" Cabdiqaadir Ib Saalax(Chiefka)


(Hadhwanaagnews) Thursday, October 25, 2018 03:56:31
Aqoonyahan Cabdiqaadir Ibraahim Saalax Oo Ku Magac Dheer(Chiefka),oo ah Aqoonyahan Ruugcadaa Muddo Dheer Kusoo Jirey Siyaasada iyo Ganacsiga

Hargeysa(HWN)-Aqoonyahan Cabdiqaadir Ibraahim Saalax Oo Ku Magac Dheer(Chiefka),oo ah Aqoonyahan Ruugcadaa Muddo Dheer Kusoo Jirey Siyaasada iyo Ganacsiga Siweyna Looga Yaqaan Somaliland iyo Dhulka Soomaalidu Degto ahna Odoyaasha Sida Aadka ah ugu Ololeeya Qadiyada Somaliland iyo Arimaha Sanaag/Bari oo uu Kasoo Jeedo ayaa Markii u Horeysay ka hadley Rajada dhabta ah ee ay Ka qabaan Xukuumadan iyo Tabashooyinka ku aadan Sanaag/Barri ee Xukuumadihii Soo marey Somaliland.
 
Cabdiqaadir Ibraahim Saalax(Chiefka), oo Kamid ahaa Raggii sida aadka ah looga yaqaan Guud ahaanba dhulka Soomaalida Waxa uu Si Cad isku Dul Taagey Xiligii Gobolada Sanaag/Barri ugu Dambeysay In ay Si Xaqiiq ah u Dhadhamiyaan,Maamulka




Xukuumada Somaliland Laakiin ay Bulshada Deegaanadaasi ku Nooli intii Ka Dambeysay Waagaas Wali Tabayaan Dawlladnimadii Somaliland ee ay ayideen In Badan oo halkaa ku Nool iyo In Badan oo La aragti ah oo Dalka Dibadiisa Jooga Isagoo Farta Ku Fiiqey Xukuumadii Madaxweynihii Geeriyoodey Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal isagoo Ka hadlaya Waxa uu Yidhi.
 
 
"Waala Isku  Warhayaa oo Cid Maanta War Isku Seegan Yahey Majirto Goboladaa Barriga ahna Waala ogyahoo Dawllad Soo Gaadha Anaka tii Ina Cigaalbaa Ugu Horeysay Uguna Dambeysay Dawlladii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Illaahay ha u Naxariistee ayaa ugu Horeysay Iyaddaana ugu Dambeysay Markaa Waanu Sugaynaa oo Waxaanu Rajeyneynaa intaanu Sanadku Dhamaan, in uu Dhameystirkaasi Yimaaddo oo Madaxweynuhu Dib ugaadhsiiyo Dawlladnimadii Goboladaa Barriga Insha Allaahu Tacaalaa"Ayuu yidhi Cabdiqaadir Ibraahim Saalax(Chiefka).
 
Geesta Kale Cabdiqaadir Ibraahim Saalax(Chiefka), oo uu Wehilnayay Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud Waxa uu Si Dareen adag leh Baaq ugu Direy Beelaha Dagaalkooda ahliga ahi Soo Noqnoqdey ee Koonfurta Gobolka Sool.
 
 
"Umaddii halkaa ku Dhamaatey Illaahey Samir iyo Iimaan Dhamaanteen Ha inaka Siiyo, Soomaalinimo,iyo Qabiilbaa laga hadlaa Laakiin Waxa ka horeeya Islaamiya Weeyi, umadaa Islaamka ah ee habeen iyo Maalin hubka isku soo qaadanayaa Waa Maxey Sababtu,Waxa layidhi Cudurka Kaa Gala Fardaha Haddii Laga Gubo Dameer Daawada Lama Gaadhayo,Qalbigaa umada Buka Waxaanu Leenahey illaahay Umada Qalbigooda ha Daweeyo,Wada Dhalnimada Islaanimada ayaa ka Horeysoo Waa Dambi Waa Xaaraan, oo Waa Ehelu Naarnimo Weeyi Waar Dhiigan Joojiya oo Bani-Aadanimada Dadnimada,Walaaltinimada iyo Ehelnimada usoo Noqda, Qoriga Ninka Tuuraya oo Kaliya Ma aha Ka Dambiga Galayaa Kasoo Iibinaya, Ka Rasaasta,Ka Taakuleynaya,Ka Tabaabusheynaya Ka Taladda Wax ku Leh intuba Waa Dambiile oo Waa Ehelunaar Qudu Shafaai Minal Naar Naartiibaad Dul Joogtaan Naarta Ka Noqda ayaanu Idin Leenahey oo Illaahay Ka yaaba, Dawlladana Waxaanu Leenahay Idinkaa Masuuliyadi Idinka Saaran Tahaye Dee Wax halaga Qabto"Ayuu Yidhi Aqoonyahan Cabdiqaadir Ibraahim Saalax(Chiefku).
 
Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo Isaguna Kamid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ee Laga Soo Doortey Gobolka Sanaag gaar ahaanna Kasoo Jeeda Sanaag/Barri ayaa Sidoo Kale Baaqaas Mid Lamid ah ujeediyay Beelaha Colaadu u Dhexeyso ee Sool Iyo Waliba Xukuumada Talada Haysa oo uu ugu Baaqey in Gurmad Degdeh ah u gasho.
 
Waxaanu Xildhibaanku Si Guud mar ah uga Hadley in aandey Ka Xildhibaani ahaa Doonaynin in Ay Mar Kale Muddo Korodhsiimo Galaan Haseyeeshee, ay Diyaar u Yihiin in Jiil Cusubi Baddelo Mudanayaashoodii hore Sidaa Daraadeedna Xisbi Xaakimka Kulmiye Looga baahnaa in uu Tanaasul Muujiyo Xisbiyadda Mucaaridka ahna Looga baahnaa in aaney Warbaahinta kala Hadline ay Kulan Wada Xaajood ah Ku Dhameeyaan.



©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.