Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Bilawga Barnaamijka Shaqo Qaran Iyo Shuruudo La Dul Dhigay Cida Shaqaale Dawladeed Noqonaysa.


(Hadhwanaagnews) Wednesday, November 07, 2018 16:12:34
Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Bilawga Barnaamijka Shaqo Qaran Iyo Shuruudo La Dul Dhigay Cida Shaqaale Dawladeed Noqonaysa.

Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa shaacisay inay bilaabayso barnaamijkii shaqo qaran ee loogu tala galay ardayda ka soo baxda jaamacadaha dalka.

Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran Maxamed Xuseen Mu’adinka ayaa faah faahin ka bixiyey barnaamijka oo uu tilmaamay inuu dhawaan dalka oo dhan ka bilaabmo doono, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Barnaamijkani waxa uu ka kooban yahay oo hindisihiisu yahay in dhalinyarada somaliland ee jaamacadaha ka soo baxda ay qaataan mudo sanad ah tababar carbis iyo shaqo qaran ah, mudadaas sanadka ahi waa laba qaybood, mudo sadex bilood ah wiilasha waxa lagu xarayn doonaa xarunta carbiska ee Dararwayne, gabdhahana waxay joogi doonaan gobolada.”ayuu yidhi agaasime Mu’adinka oo u waramay hctv.






src="/attached/mudaninka.JPG" />

Sidoo kale waxa uu soo bandhigay tirada hada la qaadan doonaa inta ay leeg tahay “Dufcada koowaad waxa ka qayb galaya 1500 oo ka mid ah dhalinyarada muwaadiniinta ah ee ka soo baxday jaamacadaha dalka, waxaanay noqon doonaan 1000 wiil iyo 500 gabdhood, wiilasha oo kaliya ayaa la xarayn doonaa, gabdhuhuna tababarka carbiska ah ayey ku qaadan doonaan goboladooda, shaqo qaran  maaha wax aynu inagu alifnay laakiin wadamada dunida badankoodu way leeyihiin qaarba si ayey u dhaqmaan, qaarkood waa qasab in qof kasta oo jaamacad ka soo baxaa uu laba sano oo shaqo qaran ah galo, qaarkoodna waxay u badan tahay tababar milatari, inaga teenu qasab maaha ee waa mutadawacnimo oo qofkii doona ayaa galaya kii aan doonina laguma qasbayo, mudada lagu jirayaana laba sano maaha ee way ka yar tahay.”

Agaasime Mu’adinka ayaa soo bandhigay ujeedada laga leeyahay hirgelinta barnaamijkan waxaanu yidhi “Laba ujeedo ayaa laga leeyahay oo ah in qofku uu helo mudo carbis shaqada ah oo uu qaadanayo iyo wadankii oo uu u shaqaynayo isla markaana qaadanaya tababar jidheed iyo bislaansho dhinaca garaadka iyo dadnimada ah, waxaana lagu barayaa taariikhda wadanka, juquraafiga wadanka, nidaamyada dawlada iyo carbis kale, mudadaas sadexda bilood ahna marka ay dhamaystaan waxa loo qaybinayaa hay’addaha kala duwan ee dawlada, waxaanay ka soo shaqaynayaan mudo sagaal bilood ah, sanadkaas ka dibna waxay noqon doonaan shaqaale rasmi ah oo toos u gala shaqaalaha dawlada iyo ciidamada.”

Sidoo kale waxa uu soo bandhigay faa,iidada barnaamijkan laga heli doono “Tani waxay meesha ka saaraysaa nidaamyadii ay shaqaaluhu ku iman jireen ama wastadii uu u baahan yahay qofka dhalinyarada ah ee jaamacada ka soo baxay, imika laga bilaabana waxa u shaqaynaysa aqoontiisa iyo qalinkiisa.”

Dhinaca kale agaasimaha barnaamijka shaqo qaran ayaa sheegay inaan shaqaale dawladeed loo qaadan doonin cid aan soo marin barnaamijkan waxaanu  yidhi “Cid dambe oo shaqada loo qorayo si dadban ma jirayso, waxa shaqada dawlada loo qaadanayaa oo kaliya dadka ka soo baxa barnaamijka shaqo qaran, qof dambe oo xildhibaan keenayaa ama wasiir gacanta soo qabanayo ama madax dhaqameed keenayaa ma jiro, qof kastaa wixii uu goosto ayuu leeyahay waayo umadan waxa laga xoraynayaa waxyaabaha ku sii xejinaya qabyaalada, albaabka kaliya ee shaqo gelinta  dawlada laga soo galayaa ama saraakiisha ciidamadu waxay noqonaysaa barnaamijka shaqo qaran, qofkii soo marana shahaado ayaa la siinayaa qof kasta oo soo mara mudnaanta koowaad ayaanu yeelanayaa, waxa kale oo ay mudnaanta yeelanayaan dhinaca waxbarashada sare ee Master, waayo qaarkood ayaa u baahan doona inay tacliinta sii wataan, deeqaha waxbarasho ee aynu ka helno dibadaha taasna mudnaanta koowaad ayey yeelan doonaan dhalinyarada ka soo baxda barnaamijka shaqo qaran.”

Sidoo kale waxa uu soo bandhigay wakhtiga uu bilaabmayo iyo shuruudaha looga baahan yahay qofka ka qayb galayabarnaamijkan waxaanu yidhi “Todobaadkan soo socda ayaa la soo bandhigayaa, shuruudaha looga baahan yahayna waxa weeyaan inuu codsi soo qorto isaga oo ku soo lifaaqaya shahaadada jaamacada, warqadii caafimaadka, warqadii dambi la,aanta, kaadhkii dhalashada ee cadaynayey inuu muwaadin somaliland ah yahay, da’du waa inaanay 30 jir ka waynaan, kuma koobna jaamacadaha dalka iyo kuwa dawlada balse waa barnaamij u furan muwaadiniinta somaliland.”

Gobolada kala duwan ee dalka ayuu sheegay inay ku tartami doonaan tirada la siiyo waxaanu yidhi “Gobol kastana dhexdiisa ayuu ku tartami doonaa, dadka soo qoranayaa waxay noqon doonaan tiro badan, waxaana laga qaadi doonaa imtixaan iyada oo qolo waliba ay gobolkooda ku gali doonaan, qolo walbana waxay ku tartami doonaan tirada gobolkaas loo qoondeeyey, 1000 qof ee ugu sareeya wiilasha iyo 500 ee ugu sareeya hablaha ayaa xaq u yeelanaya inay ka qayb galaan barnaamijka shaqo qaran.”

Ugu dambayn waxa uu soo bandhigay balanqaad loo samaynayo dhalinyarada ka qayb galaysa barnaamijkaasi waxaanu yidhi “Waxaanan dhalinyarada u balan qaadayaa inaanay cadaalo daro dhici doonaan ee ay heli doonaan wixii qalinkoodu u gooyo, waxa kale oo aan u balanqaadayaa in marka ay dhamaystaan mudadaas shaqo qaranta ah in lagu meelayn doono hay’addaha dawlada iyo saraakiisha ciidamada.”

 

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email:- [email protected]




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.