Danjiraha Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya Oo War Cusub Ka Soo Saaray Xaaladaha Doorashooyinka


(Hadhwanaagnews) Wednesday, November 07, 2018 17:09:25
Danjiraha Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya Oo War Cusub Ka Soo Saaray Xaaladaha Doorashooyinka

Muqdisho(HWN):-Xafiiska qaramada midoobay ee soomaaliya ayaa ka hadlay qaabka lagu hirgelin karo doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed ee soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay wakiilka qaramada midoobay ee soomaaliya Nicholas Haysom ayaa loogu baaqay qaybaha kala duwan ee isku haya siyaasada maamulka Koonfur Galbeed inay xaqiijiyaan qabsoomida doorashada maamulkaasi.

Warka ka soo baxay xafiiska Nicholas Haysom ayaa lagu yidhi “Doorashada maamulka Koonfur Galbeed waxay bilaw u tahay doorashooyin taxane ah oo laga qabanayo dalka oo dhan, heer gobol iyo heer qaran ayaa loo tartamayaa ilaa sanadka 2020, waxaana jirta baahi loo qabo in la dajiyo qorshe lagu hirgelinayo doorasho lagu kalsoonaan karo oo dalka




dhacda, waxaanan ugu baaqaynaa dhinacyada ay khusayso doorashada maamulka Koonfur Galbeed inay hubiyaan in doorashada lagu maamulayo xeerarka u dajisan isla markaana waa in laga fogaado dhaqan kasta oo keenaya inuu yimaado khilaaf saamaynaya doorashada.”

Nicholas Haysom ayaa warsaxaafadeedka uu soo saaray waxa uu intaas raaciyey “Waxaan cadaynayaa in saaxiibada caalamka ee soomaaliya ay muuiyeen sanadkii 2016 walaacyo kuwan hada la mid ah iyada oo la galayey doorashadii baarlamaanka federaalka ah, waxaanan ugu baaqayaa dhamaan dhinacyada ay khuseeyaan doorashooyinku inay iskaashadaan si ay u soo baxdo natiijo wanaagsani.”

Danjire Nicholas Haysom ayaa sidoo kale sheegay inuu qabo rajo ah in la gaadho xal ku saabsan nidaamka doorashooyinka “Waxaan ku kalsoonahay in soomaalida oo ilaalinaysa dhaqankooda iyo hogaamiyeyaashoodu inay raadin doonaan xal laga gaadho arimaha ku xeeran doorashooyinka  iyaga oo adeegsanaya wadda hadal, nidaamka doorashaduna waa inuu noqdaa mid cad oo xiiso leh oo raacaya xeerka dawlada ee la xidhiidha , waa inuu xor ka ahaadaa waxyaabaha aan sharciga ahayn, taas oo horseedi doonta in si balaadhan loo aqbalo lagana hortago rabshado yimaado codaynta ka dib.”

 

Halkan Guji Si Aad U Sii Akhrisato Warsaxaafadeedka Danjire Haysom




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.