Maxaabiistii Ugu Badnayd Oo Laga Soo Daayay Liibiya+Sida Muqdisho Loogu Qaabilay


(Hadhwanaagnews) Thursday, November 08, 2018 11:54:14
Maxaabiistii Ugu Badnayd Oo Laga Soo Daayay Liibiya+Sida Muqdisho Loogu Qaabilay

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho ku soo dhaweyay galinkii dambe ee Arbacada maanta 124 ruux oo laga soo daayay xabsiyada dalka Liibiya.

Qaar ka mid ah dhallinyaradda muddada dheer ku xidhnaa xabsiyadda Liibaya ayaa soo dhaweeyay dadaalka ay dowladda Soomaaliya u gashay in laga soo saaro xabsiyada ay ku xidhnaayeen ee dalka Liibiya.

Ergeyga gaarka ah ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan ka-hortagga Tahriibka iyo Xuquuqda Carruurta ,Marwo Maryan Yaasin Xaaji Yuusuf ayaa ugu mahad celisay sida dawladda Soomaaliya ay xil isaga saartay soo deynta dhallinyaradaasi.






src="/attached/n3(4).png" />

Gabagabadii,wasiirka Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiir Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo kamid ahaa Madaxdii soo dhaweysay Maxaabiista laga keenay Liibiya ay sheegay in dhalinyaradda looga baahanyahay in ay ka shaqeeyeen Horumarinta dalka.

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.