Higsigeena Guud Iyo Han Yarida Madaxweynuhu,Waaba Laba Kala Haab Ah.


(Hadhwanaagnews) Friday, November 09, 2018 08:06:50
Talaabooyinkaasi Uu Meel Marintooda Madaxweynuhu Ku Taamayay Bilihii Ugu Horreeyayna Fulay Waxa Ka Mid Ahaa.

Maalmihii Ugu Danbeeyay Waxa Badiba Goobaha Dadwaynuhu Ku Kulmo Ee
Magaalada Hargaysa La Isku Dhaafsanayay Xogo Cusub Oo Dhab Ahaan Bulshada
Intii Maqashay Ay Si Weyn La Yaab Iyo Amakaag Uga Muujiyeen.

Xogahan Cusub Oo Laga Soo Xigtay Xubno Miisaan Leh Oo Ka Tirsan Golayaasha
Xeer Dejinta,Isla Markaana Ay Si Aad Ah Isugu Dhow Yihiin Madaxweynaha
Waxay Daboolka Ka Qaadeen,In Dhowr Tallaabo Oo Xukuumada Muuse Biixi
Qaadday Horraantii Xil Qabashada,Uu Ahaa Qorshe Cad Iyo Yool Hoggaanka
Xisbigaasi Siiba Madaxweynaha Iyo Saaxiibkiisa M. Kaahin U Qorshaysnaa Oo
Uu Ku Talo Galay Inay Qayb Ka Noqdaan,Hawlagalada Ay Fulinayaan Bilaha Ugu
Horreeya Sanadka Cusub Ee 2018.

Talaabooyinkaasi Uu





Meel Marintooda Madaxweynuhu Ku Taamayay Bilihii Ugu
Horreeyayna Fulay Waxa Ka Mid Ahaa.

1-Isbedel Gun Iyo Baar Ah Oo Lagu Sameeyo Madaxda Waaxaha Iyo Qaybaha
Wasaaradaha:

Maaliyadda

Caafimaadka.

Duulista Iyo Hawada

Iyo Warfaafinta.

Hadaba In Xukuumad Cusubi Isbedel Ku Samayso Nidaamka Maamul Ma Aha Wax
Lala Yaabo Waana Wax Caadi Ah,Oo Ujeedadu Tahay In Wax Lagu Hagaajiyo,Hase
Yeeshee Waxa Bulshada Intii Maqashay Liqi Kari Wayday,In Amarkaasi
Madaxweynaha Uu Si Gaar Ah Hoosta Uga Xariiqayay In Shakhsiyaad Shaqaale Ka
Ah  Saddex Ka Mid Ah Wasaaradahaasi Bannaanka Laga Dhigo Shaqada Ay Ka
Hayaan Hay’adahaasi Sida:

Duulista Hawada=60 Xubnood

Maaliyada=21xubnood

Warfaafinta 9 Xubnood Masuuliyiin Ah Iyo 3 Shaqaale Ah.

Masuuliyiintii Madaxweynuhu U Igmaday Maamulka Hay’adahaasi Aynu Soo
Sheegnay Waxay Wakhti Yar Uun Kadib Kolkii Ay Maamulkii Hay’adahaasi La
Wareegeen Isla Markaasina Qaateen Waqti Ay Shaqaalaha Ku Kala Bartaan,Waxay
Si Toos Ah U Guda Galeen Fulinta Awaamiirtii Hoggaanku Faray,Balse Si Aanu
Bartilmaameed Koogu Ugu Muuqan Mid Qayaxan, Si Xeelad Farsamo Ku Ladhan
Tahay Waxay Shakhsiyaadkii Yoolkoogu Ahaa Ugu Badhxeen Qaybo  Ka Mid Ah
Shaqaalaha Oo Aan Iyagu Qorshaha Ku Jirin, Kuwaasi Oo Gebi Ahaanba Iyagoo
Isku Duuban Banaanka Laga Dhigay Shaqada.

Run Ahaantii Hadaba  Kolkii Wararkaasi Soo Baxeen Soona Gaadheen Goobaha
Inta Badan La Isugu Yimaado,Waxa Uu Noqday Mid Si Aad Ah Dadka Qaybiba
Tafsiir Gaara Ka Bixiso, Khaasatan Laba Ka Mid Ah Wasaaradahaasi,Oo Kala Ah
Maaliyadda Iyo Warfaafinta, Oo Dadwaynaha Qaarkood Qirayeen Inay
Jirtay,Xubno Hoggaanka Xisbiga Kulmiye Calaamad Saareen,Xilligii Ay Isku
Dhaceen Xukuumadda Siilaanyo Iyo Hoggaanka Xisbiga, Sida Weriyayaal
Barnaamijyo  Ay Aad U Dhibsan Jireen Masuuliyiinta Kulmiye,Hiil Toos Ahna U
Arkayeen Oo Laga Baahin Jiray Tv-Ga Qaranka Iyo Radioga,Sii Deyn
Jiray,Kuwaasi Oo Gacan Yarayaashii Muuse Biixi Ee Wakhtigaasi Oo Uu Ka Mid
Yahay Wasiirka Maaliyadda Iyo Agaasimaha Mucaawinooyinka Faysal Cali Sheikh
U Diiwaan Gelin Jireen Madaxweynaha,Weliba Isagoo Agaasimahaasi Xil Ka Haya
Xukuumadii Siilaanyo.

Halka Wasaaradda Maaliyada Iyadana Ay Hoggaanka Xisbiga Bar Tilmaameed U
Ahaayeen Xubno Ka Mid Ah Masuuliyiinta Waaxaha Oo Qaarkood Ay Haween Yihiin.

Xogahan Ayaa Intaasi Ku Daraya, In Mid Ka Mid Ah Wasaaradahaasi
Madaxweynuhu U Diray Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha,Muddo Ka Dibna uu
Booqday Madaxweynuhu Kana Jeediyay Hadal Af Gobaadsi Ah Oo Uu Ku Muujinayo
Inuu Ka Xunyahay Dadka Laga Joojiyay Shaqada,Isla Markaana Ku Baa Bi’inayo
Ku Lug Lahaanshihiisa,Balse Xaqiiqadu Ahayd Isagoo Cabsi Ka Muujiyay,Inay
Fal Mucaaradnimo Ah Oo  Ka Dhan Ah Xukuumadiisa Ku Tallaabasadaan
weriyaashii ka hawlgelayay halkaasi.



Si Kastaba Ha Ahaatee Waxa Falanqaynta Xogtaasi Dadweynaha Qaarkood Ka
Muujinayeen Dareen Cadho Leh Oo Kaga Biya Diidayaan Sababta Shakhsiyaad Loo
Igmaday Hoggaaminta

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.