Madaxweyneyaasha Wadamada Soomaaliya Iyo Eritrea Oo Gaadhay Itoobiya Iyo Kulan Ay La Qaadanayaan Raysal Wasaare Abiy Ahmed


(Hadhwanaagnews) Friday, November 09, 2018 14:12:32
Madaxweyneyaasha Wadamada Soomaaliya Iyo Eritrea Oo Gaadhay Itoobiya Iyo Kulan Ay La Qaadanayaan Raysal Wasaare Abiy Ahmed

Addis Ababa(HWN):-Madaxweyneyaasha dalalka Soomaaliya Iyo Eritrea ayaa goor dhawayd gaadhay wadanka Itoobiya.

Hogaamiyeyaasha wadamada Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Iyo Eritrea Isaias Afawerki  ayaa gaadhay magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar ee dalka Itoobiya,halkaas oo uu ku soo dhaweeyey raysal wasaare Abiy Ahmed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawlada Itoobiya.

Hogaamiyeyaasha wadamada Itoobiya, Soomaaliya Iyo Eritrea ayaa la filayaa inay kulan sadex geesood ah qaataan, iyada oo la filayo inay ka wada hadlaan waxyaabihii ka fulay heshiisyadii ay hore u wada gaadheen.

 

 









©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.