Kaftanka Maanta , Cadaalada. W/Q: Ahmed Nour Guruje


(Hadhwanaagnews) Friday, November 09, 2018 14:38:10
Halkaa markay maraysay baa la galay raadinteeda ,Ka dibna dawladii kacanka iyo shacabku way Isla garan waayeen ilaa ay aakhirkii isku dhaceen

Cadaaladu waa inan qurxoon oo weji fiican ,qaarkeeda danbena yahay ,geenyo farowle oo barwaaqaysatay ,taasoo si wayn ugu eeg sawirka geenyadii bureeqa

Hadaba muuqaalka cadaalada waxaa markii ugu horaysay manaam laggu arkay todobaatanaadkii , waxaana lagga arkay maqaamada awliyada oo xiligaas muuqaalkeeda loo nuuriyey .

Markii riyadeedu soo noqnoqotayna waxaa loo sameeyay taswiirtaa quruxda badan ee la wada arkay .

Halkaa markay maraysay baa la galay raadinteeda ,Ka dibna dawladii kacanka iyo shacabku way Isla garan waayeen ilaa ay aakhirkii isku dhaceen .

Markii dawladii horre duntay, dawladii cabdiraxmaan tuur baa la waydiiyay inantii qurxoonayd ee la raadinayay in ay keento ,iyana waxay tidhi aynu nasano




,taana halkaasaa laggu riday .

Sidii loo raadinayay ee logu daba jirey , ayaa xisbiga kulmiye yimi , Ka dibna dawladii siilaanyo waxay tidhi bahasha waynu gaadaynaaye ha nala sugo , dabeeto waaba la iska ilaabay .

Markii dawladii siilaanyo tagtay , tan cusibina waxay la timi sheeko cusub oo ah ,inantuba in aanay maqnayn ee ay waligeedba joogtay , dabeeto waxaa la is waydiiyay, reer hargaysoow ma haysaan inantii , reer hargaysana waxay Ku jawaaben radio hargaysa ayuun baanu Ka maqalaa warkeeda .

Hadana reer bebrberaa la waydiiyay, reer bebrberana waxay Ku jawaaben, jimcayaasha ayàanu Ka eegnaa qabrigii cigal bal in ay soo booqato .

Hadana reer burcaa la waydiiyay, reer burcana waxay Ku jawaaben, gurigii Somaliland lagaga dhaaaqay baanu sugaynaa inta la dhisayo bal in ay markaa timaado .

Reer laascaanood ayaa hadana la waydiiyay , reer laascaanood na waxay Ku jawaaben,Cali khaliif baanu u wardoon tag nidhayoo ,Cali khaliif baanu sugaynaa bal halkuu kaga waramo .

Reer ceergaabo ayaa la waydiiyay, reer ceergaabo na waxay Ku jawaaben, bal wadadu ha dhamaato waaba intaasoo ay wadada soo raacdaaye .

Ugu danbayn borame ayaa la waydiiyay, reer booramana waxay Ku jawaaben, dugsigii sheekh Cali jawhar ee Somaliland laggu dhisay ayàanu Ku sugaynaa .

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.