Saaxil Qolada Qaatee Sidigteen Maalee, Saldhiga Aydin Siiseen, Sirtainay Ogaadaan Sandulay Inagu Tahay


(Hadhwanaagnews) Friday, November 09, 2018 14:53:30
Siyaasadeena Gudiyo Dibadaba Sargoyo,S Ara Boogta Maasha Ah, Saawsaawe Geliyo Sooliyo Sanaag Bari

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (A.S.C.W.R.W.B).

WAXAAN SALAAN KHAAS AH U SOO DIRAYAA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

1-SOMALILANEEY XAGEE BAAN U SOCONAA,SIDEE BAY DAWLADII TAHAY,

  SAMIRO IN BADAN BAAN AQOONSIGA SUGEYNO,SAATIR TIISA MOOYE,

   SAADAALADI XUMATO SACABKEENA KUMA JIRO,SIFE LAGU NEGAADA,

   SASABADA DHALAANIYO SOMALI HADALKEED,SUULDHABALO BEENAD.

 

2-SAMO KAMA FILAYO BIYO WEEYE SARA TEGEY,IYO SACABADA MADHAN,




    SUN NINKAY WARABSHE SEBIGAYGA GAWRACAY,SANKUNEEFLE II NICIB,

   SAANAD IYO DHAQAALIYO SAAXIIBO II HELAY,SEEFTA INAAN AFAYSTOON,

    SARE JOOGA MOOYE SUGITAAN IGUMA JIRO,WAXA SOO SOCDEEN OGAY.

 

3-SIYAASADEENA GUDIYO DIBADABA SARGOYO,SARA BOOGTA MAASHA AH,

    SAAWSAAWE GELIYO SOOLIYO SANAAG BARI,SUUHDINTEENA SOO XIDHA,

    SAAXIL QOLADA QAATEE SIDIGTEEN MAALEE,SALDHIGA AYDIN SIISEEN,

    SUGITAAN DHAMAAYO SIRTA INAY OGAADAAN,SANDULAY INAGU TAHAY.

 

4-SIINADAAN WADAAGNIYO SURMOSEEGTO QARANIMO,SIIRAANYA INAGU FURAY,

    SOOMAALILAANEEY SEBIGA IYO WAXGARADKOOW,SIYAASI IYO MID MADAXOOW,

    CODKA SARE U QAADOO SALMI NABAD KU SOO MARA,SUUQYADA MAGAALADA,

    SAWIR TUSA ADUUNYADA SABABTAA KA LEEDIIN,IYO WAXAAN KU SUGANAHAY.

                                   ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH 

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.