Maxay Ka Wada Hadlayaan Hogaamiyeyaasha Itoobiya, Soomaaliya Iyo Eritrea Ee Ku Sugan Addis Ababa?


(Hadhwanaagnews) Friday, November 09, 2018 15:03:34
Maxay Ka Wada Hadlayaan Hogaamiyeyaasha Itoobiya, Soomaaliya Iyo Eritrea Ee Ku Sugan Addis Ababa?

Addis Ababa(HWN):-Madaxweyneyaasha Soomaaliya Eritrea ayaa maanta gaadhay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Hogaamiyeyaashan ayaa markii ay gaadheen magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar waxay tageen jaamacada magaalada, waxaana soo dhaweeyey raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed iyo xubno kale oo ka tirsan dawladiisa.

Sadexda hogaamiye ayaa la filayaa inay yeeshaan kulan ay kaga hadlayaan natiijada ka soo baxday heshiisyadii ay hore u gaadheen, sida ay ku warantay idaacada dalka Itoobiya ee Fana.

Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo warbaahinta la hadlay ayaa soo bandhigay waxyaabaha laga wada hadli doono waxaanu yidhi “Tani waxay markhaati u tahay inuu qof kastaaba og yahay




in taariikhda geeska Afrika ay isbadashay, hada waxaanu u dhaqaaqaynaa iskaashiga gobolka ee dhaqaalaha anaga oo hubinayna inaanu si wada jir ah ula dagaalano fakhriga”

Kulamada sadexda hogaamiye ayaa imanaya wakhti ay isbadalo dhinaca nabada iyo iskaashiga ahi ka socdo gobolka Geeska Afrika.

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed  iyo madaxweynaa Eritrea Isaias Afawerki ayaa marar badan ku kulmay gobolka, waxaana lala yaaban yahay xawliga uu ku socdo isbadalada nabada ee Geeska Afrika.

Madaxweynaha dalka Itoobiya Mss Sahle-Work Zewde ayaa warbaahinta koonfur Afrika u sheegtay in iskaashigu guul u yahay wadamada Geeska Afrika waxaanay tidhi “Waxa jira waxyaabo la odhan karo maaha suura gal sida xaalada caadiga ah ee lagu soo celiyey arimihii Eritrea, Arintana waxay itoobiya ka caawinaysaa wax badan, mana aha Itoobiya iyo Eritrea balse gobolka oo dhan ayaa faa,iido ka helaya, aragtidayaduna waa inaanu xidhiidh isku mid ah la yeelano dhamaan wadamada aanu jaarka nahay.”




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.