Tartanka Doorashada Madaxtimimada Puntland Oo Xaraarada Xiisada Olalaheedu Meel Adag Marayo iyo Waxyaabaha Ku Cusub Deyrta


(Hadhwanaagnews) Thursday, November 29, 2018 02:28:54
Ololaha Doorashada ee Murashaxiintu ku Bixinayaan Barnaaijyadooda Siyaasiyadeed ayaa Doorkan Siweyn uga Duwan kii Awal hore ee Lagu Yaqaanay

Garoowe(HWN)-Loolanka u Dhexeeya Murashaxiinta Tartanka Madaxtimimada Doorashada Pubtland ee Loogu Tartamayo jagada Madaxweynaha ayaa olole Xiisadiisu aad uga Duwan tahey tii Wakhtiyadii hore uu Xiligan ka Socdaa Guud ahaanba Magaalooyinka Waaweyn ee Maamulka Puntland hoos tagga Taas oo ay Murashaxiintu Dhoolatusyo Isku Gaalaa bixinayaan Fagaarayaasha ay kala hadlayaan Dadweynaha islamarkaana, ay kusoo Bandhigayaan Qorshayaasha iyo Barnaamihyadooda Siyaasadeed ee ay kaga Duwan yihiin Maamulka Xiligan Haya Talada Maamul ee Puntland.

Ololaha Doorashada ee Murashaxiintu ku Bixinayaan Barnaaijyadooda Siyaasiyadeed ayaa Doorkan Siweyn uga Duwan kii Awal




hore ee Lagu Yaqaanay Doorashada Madaxweynaha ee Puntland iyadoo Doorkan ay kaga Duwan yihiin Kuwii hore Arimo dhawr ah oo Xiise iyo Dareen gaar ah ku Dhaliyay Guud ahaanba Shacabka Puntland, Waxaana Xiligan hordhac u ah Xiisaha ololaha  Doorashada Puntland Murashaxiinta oo ka badan intii hore, Ololaga oo Ka Xoogan kii Awal hore, Faanka iyo Khudbadaha Murashaxiinta, iyo Waliba Murashaxiin ka badbadiyey Dhoolatusyadooda oo Shacabka usoo Bandhigey Waxyaalo Dheeraad ah, Xubno Murashaxiinta kamid ah oo ku Faaney in ay Lacag badan haystaan, Iyo Waliba Xubno Sharaxaad iyo Baabuur Gaashaaman Ku Bixinaya Dhoolatusyadooda, iyo Waliba Qaar kale oo Usoo labisey Dhakinyaro tira badan oo hareeraha Kasocda.
 
 
Waxa kale oo Loolankani Dibada usoo Saarey in ay Jiraan Murashaxiin Aan Wali Banaanka Soo Dhigin Khidadahooda iyo Dhiolatusyadooda Laakiin Si hoose u Wara ololaha ay ku Doonayaan in ay kaga Qeyb galaan Tartanka Doorashada Inkastoo ay Yihiin Xubni Kooban oo Siweyn Loogu Tuhmayo in ay Suurtagal Noqoto in ay Silama Filaan ah ugu Guuleystaan Doorashada iyo Murashaxiin Kale oo Dib u Dhigtey in ay Dhookatuskooda Soo Qadimaan Sida ay hadda Ku Wadaan Murashaxiin Badani.
 
Geesta kale Waa Markii u Horeysay ee ay Tartanka Doorashada Ka Qeybgalaan Rag Miisaan Culus Leh oo Kasoo jeeda Bulshada Rayidka ah gaar ahaana Ganacsatada Waaweyn ee Shacabka Puntland aaminsan Yihiin.
 
Dhinaca kale Maaxweynaha Puntland ee Xiligan Dr Cabdiwali Cali Gaas ayaa u Muuqda Wakhtigan Mid ay hafiyeen Murashaxiinta Tira badan ee usoo Xadhko Xidhey Doorashada Puntland, inkastoo aanu Sicad ugu Dhawaaqin Wali in uu Murashax yahey Ku Tartami Doona Doorashadan haddana Waxa uu Maalmihii u Dambeeyay Soo Bandhigay Waxqabadyo uu Isku Daba Taxey mudadii uu Xilka hayey iyo Goob uu ka hadley Maalin Dhaweyd halkaas oo uu hadal Sakati ah ka Jeediyay Kuna Sheegay in Mashaariicdu Socon Doonto hadii Khadarkan Lasoo Celiyo ay Noqoneyso Alxamdulilaah Sida uu hadalkiisa u Dhigay hadii Murashaxiinta kale la Doortana ay Rabilcaalamuin Tahey, hadalkan oo Shacabka Reer Puntland Badankoodu u Arkeen in ay Cabdisali Gaas Madaxweynaha Puntland kujirto Waxoogaa Quus ah, iyadoo uu Arbacadii Shaleyna Booqasho ku Tagey Degmada Dhahar oo aanu Maalin Qudha haweysanin Mudadii Maamulkiisa.
 
Sikasta oo ay Tahey Waxa Xiligan Loo Diyaar Garoobayaa bisha Diisambar Qeybaha u Dambeeya ee Dhiokatuska Murashaxiinta oo Si Xoog ah uga Aawan Magaalada Garoowe ee Xarunta u ah Mamaulka Puntland iyo Magaada Qardho oo iyaduna Kamid Noqotey Magaalooyinka Udub-dhexaadka u Noqotey Dhoolatusyada Murashaxiinta Waxaanay Su.aali Ka Taagan Tahey in ay Hawshoodu halis u Tahey Ragga Dib u Dhigtey Dhoolatusyadooda iyo Xubnaha Ganacsatada ah ee Qeybta ka ah Tartanka Doorashada Kuwaas oo Saadaasha Shacabku u Badan Tahey in ay Silama Filaan ah ugu Soo Baxaan Guusha Kama dambeysta ah.
 
Warbixino Isdaba Socda oo aynu Diirada Ku Sari Doono Loolanka Murashaxiinta Puntland ee Jagada Madaxweyne iyo Faalooyinka lafa Gurka Murashaxiinta Kala Soco Hadhwanaagnews.
 
Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)hadhwanaagnews
 
 
 



©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.