Maamulka Jaamacada Timacade-Universty Oo Munasibad Soo Dhaweyn ah Ku Qaabilay Ardeydii Ugu Tirada badneyd Oo Iska Diiwaangalisey Jaamacada


(Hadhwanaagnews) Thursday, November 29, 2018 03:11:37
Munaasibadan oo ay Kasoo Qeyb galeen Gudoomiyaha Jaamacada Timacade Cismaan Aw Yuusuf Magan iyo Kuxigeenkiisa, Maamulka Jaamacada Macalimiinta,

Gabiley(HWN)-Maamulka Guud Macalimiinta iyo Hawlwadeenada Jaamacada Timacade-Universty ayaa Munaasibad Soo Dhaweyn ah u qabtey Ardeyda Cusub ee(Freshka), ah ee Kusoo Biirey Jaamacada Tmacade Kuwaas oo Noqonaya Ardeydii ugu Tirada Badaneyd ee Noocooda ah ee Iska Diiwaangaliya Sanadkan 2018ka Dabayaaqadiisa.
 
Munaasibadan oo ay Kasoo Qeyb galeen Gudoomiyaha Jaamacada Timacade Cismaan Aw Yuusuf Magan iyo Kuxigeenkiisa, Maamulka Jaamacada Macalimiinta, Saraakiil Katirsan Wasaaradda Waxbarashada iyo Qeybo Kamid ah Ardeyda Kuliyaddaha Kala Duwan ee Wax Ka Barta Jaamacada Timacade-Universty.
 


400px;" />
Gudoomiyaha Jaamacada Timacade-Universty Cismaan Aw Yuusuf Magan oo hadal ka jeediyay ayaa Sheegay in ay Gacmo Furan Kusoo Dhaweynayaan Ardeyda Cusub ee kasoo Baxey Dugsiyadda Sare, Isagoo Xusey in Ujeedka Jaamacadu u Furan Tahey Aaney Marnaba aheyn in Dhaqaale laga helo Haseyeeshee, Ay Tahey mud lagu Dhiirigalinayo Laguna Kaabayo Waxbarashada Ardeyda Tirada badan ee Kasoo jeeda Deegaanka Gobolka Gabiley oo Doorka Waxbarashada Guud ahaanba Dalka Saamayn Ku Leh.
 
"Jaamacada Timacade-Universty Ujeedadoodu Ma aha in Laga Helo Lacag, oo Laga Shaqeysto Laakiin Waa Sidii kor Loogu Qaadi Lahaa Waxbarashada Gobolka Aqoonta Heerkeeda Sare Waad Ogtihiin oo Gobolka Waxa lu dhacey Guuritaan Fara Badan oo Marka Xaafad Waliba Laba Ardey ugu Guurto Jaamacada Hargeys iyo Camuud taasi Waa lagaga Maarmey"Ayuu Yidhi Cusmaan Aw Yuusuf Magan Gudoomiyaha Jaamacada Timacade-Universty
 
Waxa kale oo intaa hadalkiisa ku Darey in Mudooyinkan Dambe ay Jiraan Dedaalo Mustaqbalka Ardeyda Jaamacadaha Loogu Gogol Xaadhayo oo Shaqo Lagu Siin Doono Ardeydu Marka ay Dhameystaan Waxbarashada Jaamacada Khusuusan Maamulka Golaha Deegaanka iyo Gobolka Gabiley Balanqaadka ay ka haystaan Ka Jaamacd ahaan iyo Waliba Dedaalada ay Wadaan Xukuumada Dhexe iyo Tirada ay Balanqaadey ee Ardeyda Jaamacadaha inta laga Shaqo galin Doono.
 
Gabagabadiina Waxa uu Sheegay Gudoomiyaha Jaamacada Tumacade-Universty in ay Gacmo Furan kusoo Dhaweynayaan Ardeyda Cusub ee Kusoo Biiray Jaamacada Timacade-Universty isagoo Ardeyda Cusubna kula Dardaarmey in ay Iyaguna Dhinacooda ka Qeyb Qaataan Tayada iyo Sumcada Jaamacada.
 
Sidoo kale Sarkaal katirsan, Wasaaradda Waxbarashada oo isaguna Goob joog ka ahaa Munaasibadan Soo Dhaweynta ah oo halkaa ka hadley ayaa Sheegay in Ay Ku Bogaadinayaan Maamulka Jaamacada Timacade-Universty Sida ay Ardeyda ugu Soo Bandhigeen(Freshka), Shuruucda iyo Qawaaniinta iyo Shuruudaha Ku Xidhan Waxbarashada heerka Jaamacadeed.
 
Geesta Kale Waxaa halkaa iyaguna ka hadley Gudoomiye Kuxigeenka Jaamacada Maamulka Lacagta iyo Dhiinka Kuliyadaha iyo Waliba Ardeyda Cusub Laf ahaantooda oo Ka Mahadceliyay Soo Dhaweynta Jaamacadu u Sameysay iyo Qimaha ay u leedahaya in ay Gurigoodii Ku Qaataan Waxbarasho Jaamacadeed taas oo ay Ku Sheegeen Fursad Fiican oo ay Nasiib u heleen.
 
Jaamacada Timacade-Universty ayaa Doorkan Diiwaanglisey Ardeydii ugu Badneyd ee Noocooda ah oo Kasoo Baxey Dugsiyadda Sare ee Gobolka Gabiley iyo Magaalooyinka kale ee Somaliland.
 
 



©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.