Murashax Saamayn Badan Ku Yeeshay Tartanka Madaxnimada Puntland Oo Isku Shaaciyay Boosaaso


(Hadhwanaagnews) Monday, December 03, 2018 03:19:02
Asad Cismaan Cabdilaahi(Asad-Diyaane) Waa Diblamaasi Aqoonyahan ah, Waa Murashaxa ugu Da.da yar ee Loolankan Ka Qeyb Galaya Waxa uu hadda Safka

Boosaaso(HWN)-Murrashax Saameyn Baddan Kusoo Kordhiyey.Ololihii Tartanka Doorashada Madaxtinimada Puntland ayaa markii u horeysay dhoolatuska uu Isku Shaaciyay kusoo bandhigay Fagaare Laga diyaariyay Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari.

Asad Cismaan Cabdilaahi(Asad-Diyaane) Waa Diblamaasi Aqoonyahan ah, Waa Murashaxa ugu Da.da yar ee Loolankan Ka Qeyb Galaya Waxa uu hadda Safka hore kasoo Galey Ragga Sida Weyn Loogu Tuhmayo in uu Ka Soo Dhex Boodo Murashaxiinta Kale.


font-size: small;">  
Munaasibad si heersare ah Loo Soo Agaasimey oo Jamaahiirteeda, laga Dareemay guud ahaanba Puntland oo uu Kusoo bandhigay Isa Shaacintiisa Waxa uu kaga hadley Sababaha Buddhiga u ah isagoo ku macneeyay in ay Tahey Maalin Cusub oo Fursad u ah Jiilasha dhalinyarada ah ee Jecel Puntland haybad oo Soomaali ku dhex jirta sida uu hadalkiisa u Dhigay.
"Maanta Waa Maalintii aan Puntland uga faa.ideyn lahaa khibradeyda Amni tan hogaamineed iyo Ta Xogogaalnimo, Maanta Waa Maalin Cusub oo Tilmaan u ah jiilasha Puntland ee Jecel Puntland haybad leh oo Soomaali ku Dhex Sharfan una taagan una taagan Soomaalinimo hanaan Dawladeed iyo Isla Xisaabtan dhab ah halgankii aanu kula jirney Cadawga Puntland Aniga iyo Ciidanka Naftood hurayaasha ah oo Kaashanaya Shacabkooda Waxaanu Soo hoynay guulo Waaweyn oo Dadleenu ku Diirsadeen ilaa cadawgeenu Ku Dhuumaalaysiga Buuraha iyo Duurka Fog mooyee" Ayuu yidhi Asad Diyaano.
 
Waxaanu Xusey in ay Ciidamada Puntland Kaalin Weyn ka Qaateen Ciidamada Soomaaliya, Waxa kale oo uu Carabka ku Dhuftey in ay Fariimo badani uga imanayeen Shacabka Puntland si uu isugu soo Taago Murshaxa jagada Madaxweyne ee Puntland Isagoo Sigaar ah u Tilmaamay in uu yahey Qof Neceb Sawir iyo ka Muuqashada Warbaahinta oo Xil Raadis ah gabagabadiina Waxa uu Sheegay in ay ka Fursan Weyday in uu Tixgaliyo Codsigaa dhinaca Bushada kaga yimid ee Kalsoonida u Muujiyay.
 
Mudan iyo Marwooyinkii kasoo Qeyb galey Madashan uu isku Shaaciyay Asad Cismaano Diyaano Waxa ka hadley odoyaal Madaxdhaqameed,Waxgarad, iyo Dhamaan Bulshadii kasoo Qeyb gashey Waxa ay dhamaantood fariin u Gudbiyeen Mudanayaasha lasoo Doortey ee u Codeynaya Murashaxiinta Puntland Kuwaas oo ay ku Wargaliyeen in aanay mooganaan Waxqabadyada uu Ka Fuliyey Puntland mudada uu Hormoodka u ahaa Ciidanka Amniga PSF, islamarkaana, ay Siiyaan Codka maadaama ay Wakiil ka yihiin Shacbiga.
 
Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)hadhwanaagnews
 
 
 



©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.