Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya Oo Mowshin Ka Keenay Heshiiskii Dhex Maray Somaliya, Itoobiya Iyo Eritrea


(Hadhwanaagnews) Wednesday, December 05, 2018 14:52:24
Xildhibaanadan oo tiradooda ay gaadheyso toban Xildhibaan ayaa warqad ay qoreen waxa ay ku muujiyeen walaac ay ka qabaan

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Somaliya ayaa mooshin ka keenay heshiiska saddex geesoodka ahaa ee dhexmaray dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea. Xildhibaannadan mooshinka saxeexay ayaa gaadhaya toban.

Muxuu yahay heshiiska ay saluugeen xildhibaannadan?

Waaxda warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa qodobbadii lagu heshiiyey ku soo kaabay, baaq ka kooban afar qodob oo kala ah:

1. In saddexda waddan ay yagleelaan iskaashi sare oo fududeynaya gaarista yoolka shucuubtooda.

2. In saddexda waddan ay abuuraan xiriir dhaw oo ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha,




bulshada, dhaqanka iyo amniga.

3. In saddexda waddan ay si wadajir ah uga hawlgalaan sare u qaadidda ammaanka iyo nabadgelyada gobolka.

4. In saddexda dawladood iyagoo ka duulaya heshiiskan ay dhisaan Guddi Sare oo isku dhaf ah, oo u xilsaaran fulinta qodobbada baaqan.

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.