Nuxurka Laba Sharci Oo Ay Maanta Ansixiyeen Golaha Shacabka Iyo Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Soomaaliya


(Hadhwanaagnews) Wednesday, December 05, 2018 16:38:11
Nuxurka Laba Sharci Oo Ay Maanta Ansixiyeen Golaha Shacabka Iyo Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho(HWN):-Xildhibaanada golaha shacabka iyo aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya ayaa maanta ansixiyey laba xeer oo kala duwan.

Fadhi ay maanta yeesheen mudanayaasha golaha shacabka dawlada federaalka ah ee soomaaliya  ayaa ansixiyey hindise sharciyeed ku saabsan xuquuqda ay yeelanayaan siyaasiyiinta dawlada.

Sharcigan oo in mudo ah horyaalay golaha shacabka, ayey xildhibaanadu cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen.

Fadhiga golaha shacabka oo uu gudoominayey gudoomiyaah golahaasi Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana ka soo xaadiray 171 xildhibaan iyada oo 167 ka mid ahi ay aqbaleen ansixinta xeerkan halka 1 xildhibaan diiday, 2 ay ka aamuseen gudoomiyuhuna aanu codayn.

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa codaynta ka




hor amray in xildhibaanada loo akhriyo xeerka ansixinayaan.


170 Mudane oo fadhiyay kulankii u dambeeyay ee Golaha  waxaana shir guddoominayay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka ,Maxamuud Macalin Yaxye ayaa laga dalbaday in uu mudanayaasha u akhriyo sharcigaasi si loo meel mariyo.

Dhinaca kale aqalka sare ee baarlamaanka ayaa dhinacooda meel mariyey hindise sharciyeedka Dhismaha guddida madaxa banaan ee la dagaalanka Musuq maasuqa oo ay ka doodayeen mudooyinkii ugu dambeeyey.

Sharcigan ayey hore u soo ansixiyeen xildhibaanada golaha shacabku,xeerkaas oo sheegaya in  la dhiso guddida la dagaalanka musuq maasuqa ee soomaaliya, iyada oo dawladuna ay hada ku hawlan tahay talaabooyin ka dhan ah musuq maasuqa.

 

Hadhwanaagnews.com/Muqdisho

Soomaaliya




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.