Guddoomiye Sharmarke Geelle Oo Kulan Sagootin Ah Laascaanood Kula Qaatay 50-Kii Qof Ee Ku Soo Baxay Imtixaankii


(Hadhwanaagnews) Wednesday, December 05, 2018 17:07:48
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

“Ilaa Imika Oo Gobolkii 2aad Laga Soo Dhameeyey Tartanka Shaqaalahaynta , Waxaa Guulaystay 30 Gabdhood Taasi Oo Ka Jawaabaysa Qoondadii Madaxweynuhu U Diyaariyey Haweenka S/Land” Guddo:  Sharmaake Geelle

Hargaysa(HWN)Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa Xarunta Gobolka Sool ee magaaladda Laascaanood Ka dib Imtixaan lagu kala Calaf qaaday oo ay halka kaga qaaday 190 qof loona galay Kaalmo shaqo oo dawladdu qaadanayso waxaay Hay’adda shaqaalahu si rasmi ah u soo bandhigtay hambalyona u dirtay 50-kii qof eek u guulaystay shaqaalihii dawladdu ay ka qaadatay Gobolka Sool.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa maanta waxa uu




si rasmi ah magaaladda Laascaanood ugu soo bandhigay 50-kii qof eek u guulaystay Shaqooyinka ay dawladdu ka qaadatay Gobolka Sool, waxaanu Guddoomiye Sharmarke Geelle Hambalyo iyo duco u diray dhamaan Xubnaha nasiibka u yeeshay inay ku soo baxaan Imtixaankii dawladdu shaqaalaha ku qaadatay.

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo kulan sabootin iyo hambalyo ah Laascaanood kula sii qaatay 50-kii guulaystayaasha Gobolka Sool ku soo baxay Imtixaankii Dawladdu shaqaalaha halka kaga qaadatay waxaana qoraalkii guddoomiye sharmarke Geelle u dhignaa sidan.

Hambalyo Guulaystayaasha Gobolka Sool

– Waxaa si habsami ah u soo dhammaaday Tartankii Gobolka Sool halkaas oo hubin iyo kala hufid kadib ay gobolka Sool u ansaxday in ay imtixaanka u fadhiistaan 190 tartame balse ay soo xaadiray una fadhiisteen imtixaanka 172 tartame

-Tartamayaasha 172-ka ah ayaa u kala baxayay 134 rag ah halka gabdhahu-na ka ahayeen 38-tartame

-Ugu dambayn, tartan xalaal iyo xirfad ku dhisan kadib waxaa soo guulaystay 35 wiil iyo 15 hablood

-Hambalyo dhammaan tartamayaasha Gobolka Sool waxaanan u rajaynayaa mustaqbal wanaagsan

-Kulan is barasho iyo bogaadin ah kadib, waxa aan hadda u soo jeednaa Gobolka Togdheer oo berito Insha Allah ay tartan kaalmo shaqo ka bilaabmayaan halkaas oo ay ku sugan yihiin madaxdii Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.