Dibindaabyadda Basaska Qaadda Ardayda


(Hadhwanaagnews) Thursday, December 06, 2018 09:26:51
Se waalidka soo kalihinaya ilmihiisa eek u dadaalaya in aan basku katagin xilli horena waddada usii joogsanaya ,ilmahan uu dhalay xaalada u galo marku ka tago

Inta Badan Schoolada ka jira wadanka waxa u shaqeeya basas kuwaas oo ardayda ka durugsan schoolka usoo qaada barrada schoolka ,haddaba suaasha iswaydiinta mudan waxay tahay schooladu ma kawar Qabaan baddqabka ardaydooda se ma lasocdaan cidda ay ku aaminayaan ardayda intaa tirro leeg  ee maganta u ah ,waalidkoodna u wakiishay  wakhtiga inta ugu badana iyaga la qaata.

Se waalidka soo kalihinaya ilmihiisa eek u dadaalaya in aan basku katagin xilli horena waddada usii joogsanaya ,ilmahan uu dhalay xaalada u galo




marku ka tago .Dhibaatooyin badan ayay kala kulmaan ardaydu basaska qaadaya iyaga dhexdooda ayaa dhib ka dhacaa ninkan baska kuwadaana iska daadi mooye masuuliyad kale iskama saaro tirro kabadan intii loogu talo galay ayay ku saaraan way raseeyaan sida alaabta, hablo taagan ayaad arkysaa oo kolba markuu Basku istaago madaxa la dhacaya biraha gaadhiga xawaaraha gaadhiga oo aad usareeya ayaa iyana dhibta sii kordhisay, afxumo iyo cay ayay ka bartaan caruurtu waayo inta baddan dad akhlaaqdoodu dhisantahay maaha. Tirro Maleh inta jeer ee shill  galeen baabuurta qaada ardydaa  yaryar.

Waxa kale oo Nasiib Darro ah In ay ula Baxeen Naanayso Liita oo aan u qalmin ubaxa wadanka in loogu yeedho sida  Dhagaaxaan, Sallool  iwm .

Haddaba waxan kula talinaya maamulka schoolada iyo waalidkaba arintaa inay u dhug yeeshaan kolay inbadan oo waalidka ah way ka warqabaan se meel ay wax ka bilaabaan ayay garan laayihiin ,

Waxan kusoo koobaya dhawr arimood :

1.       In guddida waalidka iyo schoolku kawar qabaan hadba cidda loo dhiibayo ilmaha

2.       In loo xilsaaro shirkad ama is kaashato basasley ah lagulana xisaabtamo ,

3.       Dirrawalo nadiif ah oo aan afxumayn allena garanaya in loo xullo caruurta inay qaadaan

Alla mahadleh  by :maxamed xassan Ibrahim(jamhuuriya)

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.