Shuruudaha Looga Baahan Yahay Musharaxiinta Maamulka Puntland Oo La Shaaciyey


(Hadhwanaagnews) Thursday, December 06, 2018 15:28:23
Shuruudaha Looga Baahan Yahay Musharaxiinta Maamulka Puntland Oo La Shaaciyey

Shuruudaha Looga Baahan Yahay Musharaxiinta Maamulka Puntland Oo La Shaaciyey

Garoowe(HWN):-Guddida ansixinta iyo xalinta khilaafaadka doorashada ee uu magacaabay madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali ayaa shaaciyey shuruudaha looga baahan yahay musharaxiinta u tartamaysa madaxtinimada maamulkaasi.

Guddida oo hawlooda bilaabay iyada oo khilaaf ka taagan yahay qaabka madaxweynuhu u magacaabay ayaa shuruudahan kaga dhawaaqay war ay ka soo saareen magaalada Garoowe.

Guddidan ayaa shaaciyey qodobada looga baahan musharaxiinta kuwaas oo ay ku sheegeen sidan.

1- In uu yahay muwaadiin Puntland ah, Muslim ah, guta waajibaadka diiniga ah, xilkas ah, anshax wanagsan, Miyirkiisu dhan yahay ,da'diisuna aanan ka yareyn soddon sanno (30 Jir).

2-




In aan xuquuqdiisa muwaadinimo xukun maxkamadeed lagaga laalin 5tii sanno ee la soo dhaafay.

3- In uu leeyahay aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta

4- Inuu keensado habraacii soo xulista xubinnimada reerkiisa

5- Inuu keensado shahaado dugsi sare iyo wax udhigma

6- Inuu keensado labo sawir iyo taariikg nolaleedkiisa.

Qabashada araajida qofka buuxiyey sharuudahan waxay billaaban doonta 10/12/2018, waxayna ku eegtahay 15/12/2018, sida uu sheegay guddiga.

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.