"Dalka Gacanta Ayaa Lagu Hayaa,Nin Meel Iska Taagan Oo Qaylinaya Mooyaane....Wasiir Koore


(Hadhwanaagnews) Thursday, December 06, 2018 19:26:56
Wasiir koore ayaa sheegay in siyaasiyiinta puntland ay xogogaal u noqdaan awoodooda

Hargaysa(HWN)Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa ka hadlay Faro-galinta ay maamulka somaaliyeed ee puntland ay ku hayaan gudaha waddanka Somaliland,waxaana uu tilmaamay in ciidanka Qaranku ku filan yahay sugida xuduudaha.

Wasiir koore ayaa sheegay in siyaasiyiinta puntland ay xogogaal u noqdaan awoodooda,waxaana uu wasiirku meesha ka saaray in degmadda badhan ay ka baxday gacanta Somaliland taasi oo maalmihii ugu dambeeyay ay imanayeen murashaxiinta madaxtinimo ee maamulka putland.

“dalka Somaliland ayaa meel kasta gacanta ku haysa nin inta uu meel istaago iska qayliyo mooyaane wax kale majiraan,puntland maanta xogogaal ayay u tahay inaan cidna shacabka Somaliland daan-daansan Karin dalka iyo dadkuna




waa is raacsan yahay ninkan qaylinayaana waa halagu maqlo oo kaliya,dawlada Somaliland hore ayay u soconaysaa qarankuna waa mid isku xidhan oo maanta midna uma daba fadhiyaan xuquuqdiisa.

Intaas waxa uu ku daray saleebaan cali koore isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.”ciidanka Somaliland waa uu ku filan yahay sugida xuduudaha cid meel hadda fadhida oo aanu ka baryaynaa majirto oo Somaliland waa dal isku filan oo dhaqaaqi kara oo hawshiisana qabsan kara.

Wasiir biyaha ayaa sheegay in maamulka puntland uu markasta caado ka dhigtay inuu ku cel-celiyo hadal aan u suurto galayn oo madaxdii soo martay puntland hal hays u noqotay.”Maamulka puntland waxa madax-dooda hal hays u noqotay in ay yidhahaan waxbaanu qaban doonaa iyo halkaas ayaanu tagi doonaa taasina waa hadal nin iska yidhi oo meel gaadhi Karin.

HadhwanaagNews/Office

Hargaysa/Somaliland

[email protected]

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.