Madaxweynaha Dalka Itoobiya Mss Sahlework Zewde Oo Lagu Daray 100 Haween Ah Ee Ugu Awooda Badan Caalamka


(Hadhwanaagnews) Friday, December 07, 2018 14:50:12
Madaxweynaha Dalka Itoobiya Mss Sahlework Zewde Oo Lagu Daray 100 Haween Ah Ee Ugu Awooda Badan Caalamka

Addis Ababa(HWN):-Madaxweynaha wadanka Itoobiya Sahlework Zewde ayaa lagu daray 100 haween ee ugu awooda badan caalamka oo ay baahisay shabakada Forbes.

Madaxweynaha dalka Itoobiya Sahlework Zewde ayaa noqonaysa gabadhii ugu horaysay ee ka soo jeeda qaarada Afrika ee ku jirta boqolka haween ah ee awooda badan ee ay shaacisay warbaahinta Forbes.

Sahlework Zewde ayaa loo  magacaabay madaxweynaha dalka Itoobiya bishii October ee sanadkan sii dhamaanaya  iyada oo badashay madaxweynihii hore ee dalkaasi Mulatu Teshome.

Madaxweynaha dalka Itoobiya Sahlework Zewde ayaa hore u soo noqotay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan midawga Afrika, madaxa xafiiska UN ee




qaabilsan midawga Afrika, iyada oo noqotay qofkii ugu horeeyey ee xafiiskaasi kaga hawl gala heerka sareeya ee wakiilka xoghayaha qaramada midoobay.

Sahlework Zewde ayaa hore uga soo hawl gashay wadamada Senegal, Mali, Cape Verde, Guinea-Bissau, Gambia iyo  Guinea kuwaas oo ay u qaabilsanayd dalka Itoobiya intii u dhaxaysay 1989 ilaa 1993.

Sidoo kale intii u dhaxaysay 1993 ilaa 2002 waxay soo noqotay safiirka Itoobiya u qaabilsan dalka Djibouti iyo urur goboleedka Igad, iyada oo intaas ka dibna loo badalay wadanka Faransiiska isla markaana ahayd xubinta joogtada ah ee hay’adda UNESCO u qaabilsan wadamada Marooko iyo Tunisia.

Sidoo kale waxa jira xilal kale oo ay ugu soo shaqaysay wadanka Itoobiya iyo  qaar kale oo ay kaga hawl gashay hay’ado caalami ah.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.