Mareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Oo Faah Faahiyey Ujeedada Ay U Yimaadeen Wefti Ka Socda Midawga Yurub Oo Uu La Kulmay


(Hadhwanaagnews) Friday, December 07, 2018 15:03:26
Mareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Oo Faah Faahiyey Ujeedada Ay U Yimaadeen Wefti Ka Socda Midawga Yurub Oo Uu La Kulmay

Hargeysa(HWN):-Maareeyaha wakaalada biyaha ee Hargeysa Maxamed Cali Daarood ayaa ka war bixiyey ujeedada ay u socdeen wefti ka tirsan midawga yurub oo uu la kulmay.

Maareeye Maxamed Cali Daarood ayaa shaaciyey in weftigani ay kormeerayeen mashaariicda biyo balaadhinta Hargeysa oo ay maal galiyaan kuwaas oo ilaa hada socda, waxaanu yidhi “Weftiga midawga yurub ujeedada ugu muhiimsan ee ay u yimaadaan waxay ahayd inay soo arkaan mashaariicda biyaha ee Hargeysa waayo midawga yurub isaga ayaa gacanta ugu balaadhan ka gaystay mashruuca Geed-deeble marka ay xaga deeqaha noqoto, mashruucan biyaha ee hada socda ee meesha wanaagsan marayana lacagtii koowaad ee lagu bilaabay waxay ahayd lacagtii midawga yurub iyo deeqaha ay bixiyeen ee sanduuqa SDF, kaas




ayaana keenay in mashruucu fido oo markii dambe ay soo gasho dawlada jarmalka, banigiga horu marinta jarmalka iyo Cocacola Foundation, waana mashaariic muhiim ah oo qaybo badan oo ka mid ahi gaba  gabo ku dhaw yihiin”ayuu yidhi maareeye Daarood oo la hadlay Saabtv.

Sidoo kale waxa uu ka war bixiyey kormeer ay ku tageen goobaha biyo soo saarka ee Hargeysa waxaanu yidhi “Weftigani waxay tageen Geed- deeble waxaanay soo arkeen shaqadii laga qabtay dhuumaha cusub ee Geed-deeble ilaa Hargeysa oo gaba gabo ku dhaw, waxa kale oo ay soo arkeen xarunta cusub ee biyo saarka cusub noqonaysa taas  oo ay saacado badan joogeen waanay u soo  kuur galeen shaqada shaqada muhiimka ah ee Biyaha Hargeysa ay ka qabteen midawga yurub balse aan dhamaystirnayn balse meesha fiican maraysa taas oo ahayd ujeedada ay u yimaadeen”

Maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa ayaa sidoo kale faah faahin ka bixiyey mashruuc uu dhawaan saxeexay oo ku saabsan biyo gelinta magaalada gudaheeda waxaanu yidhi “Mashruucii dhawaan la saxeexay oo ah mashruuca dhamaystirka u noqonaya mashaariicda inooga soo socota Geed-deeble ilaa Hargeysa waxa uu ahaa mashruuca biyo galinta magaalada gudaheeda oo iskugu jira qaybihii kala duwanaa oo ay ku jiraan dhigista dhuumaha yar yar iyo kuwii waa weyna kuwaas oo la dhigi doono  masaafo dhan 149km oo magaalada gudaheeda ah oo shanta degmo ee waa weyn ee magaalada ah iyo in la sameeyo kaalmihii ay dadku biyaha ka cabayeen.”

“Mashruucaas waxaanu saxeexnay 30 October sida caadiga ahna shirkada waxa la siiyaa wakhtiga diyaar garawga, maantana  shirkadii waxay u timid bilawga hawsha iyada oo bilawguna uu noqonayo in waxna laga helo dalka waxna laga keeno dibada, markaa dhuumaha oo kale wadanka lagama helayo balse waa inay warshadii heshiis la soo galaan oo ay soo raraan taas oo mudo sideed bilood ah qaadan doonto balse dhismayaasha barkadaha ayaa ah shaqo ay sii bilaabi karaan, taasna bisha December gudaheeda ayey bilaabi doonaan.”

Ugu dambayn waxa uu ka waramay dhismaha kaydadka biyaha ee degmada Gacan Libaax oo aan wali la dhamaystirin “Meesha kaliya ee dhibta ugu badani ka taagan tahay waxay ahayd kaydkii loo samaynayey degmada Gacan Libaax oo ka mid ah degmooyinka ugu balaadhan Hargeysa, hawshaasna wali muu dhamaan xalkeedu balse waa lagu jiraa waxaanay u dhamaan doontaa si dhakhso ah.”

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.