Nuxurka Warsaxaafadeed Laga Soo Saaray Kulan Uu Raysal Wasaaraha Itoobiya La Yeeshay Madaxweynaha Ururka Dhaqaalaha Aduunka


(Hadhwanaagnews) Friday, December 07, 2018 15:15:54
Nuxurka Warsaxaafadeed Laga Soo Saaray Kulan Uu Raysal Wasaaraha Itoobiya La Yeeshay Madaxweynaha Ururka Dhaqaalaha Aduunka

Addis Ababa(HWN):-Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa kulan wada hadal ah la yeeshay madaxweynaha ururka dhaqaalaha aduunka Mr. Borge Brende.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha ururka dhaqaalaha aduunku uu si weyn u soo  dhaweeyey isbadalada dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasada ee ka socda dalka Itoobiya.

Sidoo kale madaxweynaha ururka dhaqaalaha aduunka ayaa raysal wasaare Abiy Ahmed ku marti qaaday shirweynaha soo socda ee ururkaasi uu bisha January ee sanadka 2019 ku yeelan doono magaalada Davos ee wadanka Switzerland.

Sidoo kale gudoomiyaha ururka dhaqaalaha aduunka Mr. Borge Brende ayaa kulan la yeeshay wasiirka




arimaha dibada ee dalka Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu kuwaas oo ka wada hadlay isbalada ka socda dalka Itoobiya iyo horu marka Geeska Afrika.

Wasiirka arimaha dibada ee dalka Itoobiya ayaa madaxweynaha ururka dhaqaalaha aduunku u sheegay in wadankiisu uu door muhiim ah ka qaatay deganaanshaha wadanka koonfurta Suudaan, isaga oo u soo bandhigay codsi uu caalamka kaga dalbanayo inay ka qayb qaataan deganaansho lagu soo  dabaalo wadanka soomaaliya.

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.