Xusbiyo Qaran Mise Masiibo Qaran.


(Hadhwanaagnews) Friday, December 07, 2018 15:25:31
Waxaan Internetka ka akhriyay qoraal ay soo sareen Ururka Qareemada Somaliland, oo dib-dhaca doorasha dusha u sareen Komishanka doorashooyinka

Dastuurka Somaliland ayaa ogaalada in dalka laga hirgaliyo ururo iyo asxaab siyaasadeed. Xeer 20 (Xeerka Nidamka Ururada iyo Asxaabta siyaasada Xeer) ayaa ogalanaya qaab dhismeedka Asxaabta siyaasada. Hadaba xusbiyada Somaliland waxay si cad u jabiyeen qodabo badan oo Xeer 20. Halkani waxaan ku soo bandhigayaa qodabada xeerkani ee xusbiyada Somaliland jabiyeen.
a) Qodabka 2aad Qaybaha 1 iyo 3, waxuu odhanayaa:
1) Xisbiyada/Ururadu waa in ay u hogaansanaadan Dastuurka, Xeerarka dalka iyo




id="ox-70788daf09-yui_3_16_0_ym19_1_1544120327230_3888">hanaanka Dimoqraadiyada, waana in aanu wax u dhimaynin midnimada dalka, dhammaanshaha dhul ahaaneed ee Jamhuuriyada Somaliland iyo nabadgelyada guud.
3) Xisbiyada/Ururadu waa in aanay ku salaysnayn Qabiil, lab ama dheddig keliya, ama nooc kale oo kasta oo bulshada kala faquuqaaya.
b) Qodabka 12aad Qaybta 2 waxaanu odhanayaa:
2) Xisbi qaran jagada gudoomiyaha xisbiga uma sharixi karo xubin laba xildoorasho wax ka badan
c) Qodabka 25aad Qaybaha 1, 2 iyo 3. Waxaanay odhanayaa:
  1. Xisbiyada Qaranka ee Doorashada ku guulaystaa waa in ay ku dhaqmaan maa-mul wanaag iyo dimuqraadiyada dhexdooda ah, waana in awooda loo siman yahay, Talada xisbigana waa in mar kasta lagu go’aan qaataa qaabka uu dhigaayo xeer hoosaadku.
  2. Shirweynaha Xisbi Qaran waxaa la qabanayaa (5) shanti sano hal mar waxaana la baahinayaa lixdan (60) maalmood ka hor.
  3. Shirka xisbi ee Golaha Dhexe waxaa la qabanayaa halkii sanaba mar waxana la baahinayaa 30 casho ka hor,
Haddaba, xusbiyada Somaliland iyaga, oo dastuurka iyo Xeerka lagu abuuray baal marsan ayay murankooda iyo yoo yootan koodi uu guul daro u horseeday Somaliland. Siyaasiyiinta Somaliland waxay noqdeen kuwa jiilba jiilka ka danbeeya muran macno daro ah isku haysta. Kuwo danta dalka iyo dadka aan eegin ee dantooda shakhsi ka horeesiiya, dadka iyo dalkana dhib u horseeda.
Maantana, markay iyagu xal gaadhi kari wayeen, ayay waxay la shir yimadeen, in ay dalka khal khal galiyaan, duulana ku noqdan nabada ay ummadani muda dheer ka shaqaynayeen iyo hantida 27 sano suufka iyo xanjada isku geeyan.
Waxaan Internetka ka akhriyay qoraal ay soo sareen Ururka Qareemada Somaliland, oo dib-dhaca doorasha dusha u sareen Komishanka doorashooyinka. Masuuliyada kaliya ee saran Komishanka waa in ay wakhtiga la qabanayo doorashada ay cayima. Lakiin haddii lacagtii, sharcigii lagu qabanayay doorashada ayna haynin Komishanku, oo isla marka xusbiga Wadani uu kalsoonidii kala noqday. Siddee ayay masuul uga noqon karaan dib u dhaca doorashada?
 Teeda kale, Xusbiga Wadani waxaa uu ku eedayay Komishanka in ay doorashada Madaxtooyada wax isdaba mariyeen. Ururka Qareemadu waxay ahayd in ay fahman haddii cid la eedayo, in ay xaq u leeyihiin in lagu cadeeyo danbiga galeen. Calamku wuxuu isku racay “Qofku danbiilo ma ah, ilaa lagu helo/cadeeyo inuu danbile yahay (innocent until proven guilty).” Hadaba, ururka qareenadu wax ahayd in ay fahman, haddii eed loo jeediyo Komishanka doorashada waa in maxkamadi ka gar naqdo. Si loogu cadeeyo qaladka ay galeen, oo haddii ay qalad sameeyan la kala diro, haddii lagu wayana ay shaqadooda qabsadan, xusbiyaduna la shaqeeyan.
Waxaan meelaha ka maqlaa kuwa ku baaqa, mar haddii Komishanku ayna kalsoonida xusbiyada haysan in ay is casilan. Kuwa sida u hadlaya waxaan qabaa in ay yihiin kuwa xaqiiqda ka fog, oo iska hadlaya. Sidee qof aan wax qalada oo uu sameeyay lagu cadayni isku casilayaa? Qofka marka shaqo laga eryayo waa in caday loo hayo shaqada lagaga eryo, lakiin iska tage ama is casil lama yidhaahdo.
Xusbiga Wadani guul daradii doorashada Madaxtooyada ka soo gadhay ayuu kula dul kufay Komishanka doorashada. Haddaba, eeda ay u soo jeediyeen Komishanka in garteeda la galena ma rabaan, lakiin waxay isku qanciyeen in doorasho danbe ayna ka qayb galin haddii aan la badalin Komishankani, laguna badalin kuwa lagu soo xushay siday ay iyagu u raban. Taasina qofkii caqli waxaa u arkaa in ay tahay AF-DUUB QARAN (HAJIKING OF THE NATION).
Komishanka doorashooyinku wax ay qalada ama is-daba marina ooy sameeyeen ma jiro. Lakiin, xusbiyada mucaaridku waxay rabaan in dib loogu noqdo sida loo soo xulo Komishanka doorashada, wakhtigii dooda la gali lahaana lama joogto. Waayo, shanta sano ee Komishankani sharciga siiyay waxuu kaga egyahay November 29, 2019. Haddii doorasho in ay dhacdo sanadka soo sacda la doonayo Komishankani ayaa qabanaya.
Mudo kordhin waa Ina-Daan-Wayne. Haddaba, su’aashu waxay tahay mudo intee leg ayaa la kordhinaya? Haddii, Xusbiga Wadani ka tanaasulo in Komishanka la kala diro, ooy badalkeeda ogalaadan in la sameeyo gudi saddexda xusbi ka kooban (oversight committee) oo hawlaha komishanku qabanayo dusha kala socota, marka doorashadu sanadka danbe ayay dhici doonta (HEY). Haddii kale, waxay noqon doonta in Komishan kale la soo xulo, ugu yaraan laba sano oo Golaha Wakiilada iyo Deganka loogu kordhiyo. Tani waxay noqon doonta guul daro u soo hoyatay dalka iyo dadka Somaliland ee nawilayay in labadan gole ee fadhiidka ah la badalo.
Hadaba, Komishanka badali doonaya kani waa in ayna saddexda xusbi soo xulin. Waayo, Ummada Somaliland uma bahna Komishan doorasho oo xusbiyo u kala fadhiya, oo shaqada qarankani ka rabo gudan karin. Sidaa daradeed, Komishanku waa in ay iska soo xulan ururada rayidku. Xusbiyaduna, iyo Madaxwaynuhu kalsoonida siiyan, golaha wakiilada iyo guurtiduna ay ansixiyaan.
Xusbiyada waxay xaq inoogu leeyihiin in aynu u-codayno, lakiin wax kale xaq inoogama laha. Haddii doorashada inuu dalka ka dhaco diidan, dalka AF-DUUB kuma haysanayaan, ee waa in ururo siyaasadeed la furo. Sida daradeed, waa in la soo dhaweeyo mooshinka xubnaha Golaha Guurtida soo jeediyeen.  
Lakiin waa in shuruudaha ururadada siyaasada laga rabo waa in dib-loogu noqdo. Tusaale, waa in urur siyaasada aanu gudoomiye kaliya yeelan, ee waa in 12 gudoomiye yeeshan. Gudoomiya yaashani  oo ka soo kala jeeda Beelaha ugu waawayn ama degmooyinee dalka, galbeel ilaa Bari. Haddii ururku Xusbi u gudbadana uu marka  bilkasna qof gudoomiye noqdo, inta qofkaasi jagada hayana aanu musharax madaxwayne noqon karin. Tani waxay xusbiga ka dhigaysaa mid beel ama dhawr beelood  ama degmo/gobal lahayn. Mida kalana waa in tageerayaasha ururkasta u diiwan galiyo, gobalkastan ka haystan 10% dadka codaynaya, ee kardhka codaynta haysta.
Gaba gabadii, dastuurka Somaliland waxaa uu dhigayaa in doorashada dib loo dhigi karin, haddii aan masiibo qaran dhicin. Xusbiyada waxa aynu samaysanay si aynu uga baxno qabyalada. Hadaba xusbiyada Somaliland ka jira lama odhan karo waa xusbiyo qaran ee waa xusbiyo qabiil, iminkana waxay noqdan MASIIBO QARAN. Xal warana waa in aynu ka gaadhno waxa aynu ka yeelayno Xusbiyadan qabyalada iyo ku-jiqsiida ka kori la’.
 
SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!!!
OMAR A YOUSUF
OAKLAND, CALIFORNIA

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 



©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.