Wasiir Cabdilaahi Abokor Oo Burco Ka Soo Raray Daamurkii Waddada Ceerigaabo, Maareeyaha Hay’adda Waddooyinkak Oo Hor Istaagay Iyo Xaalada Taagan


(Hadhwanaagnews) Wednesday, January 02, 2019 19:15:42
Wasiir Cabdilaahi Abokor Oo Burco Ka Soo Raray Daamurkii Waddada Ceerigaabo, Maareeyaha Hay’adda Waddooyinkak Oo Hor Istaagay Iyo Xaalada Taagan

Hargeysa(HWN):-Wasiirka gaadiidka iyo horu marinta jidadka somaliland Cabdilaahi Abokor ayaa amar ku bixiyey in la soo raro daamurkii waddada Ceerigabo ee yaalay magaalada Burco.

Warar ay heshay Shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ayaa sheegay in gaadiid uu wasiir Cabdilaahi Abokor ka diray magaalada Hargeysa ay soo qaadeen inta badan daamurkii yaalay magaalada Burco ee kaydka u ahaa dhismaha waddada Ceerigaabo, iyada oo hawl galkii lagu soo rarayey daamurkaasina uu keenay in lagu xidho sarkaal ka socday dawlada hoose ee Hargeysa oo qayb ka ahaa xubnaha loo xil saaray inay soo raraan daamurka.

Sidoo kale Wararka ayaa xaqiijiyey




in wasiirka gaadiidku uu daamurkan ka iibiyey dawlada Hoose ee Hargeysa, iyada oo aan labada dhinac ka hadal wax heshiis oo waafaqsan nidaamka dawladnimo kaas oo ay kula kala wareegeen daamurkaasi.

Dhinaca kale Maareeyaha guud ee hay’adda waddooyinka Eng. Cismaan Sheekh Cabdi ayaa hor istaagay talaabada uu qaaday wasiir Cabdilaahi Abokor, iyada oo warar rasmi ahi sheegeen in  warqad ka soo baxday xafiiskiisa oo uu ku socodsiiyey madaxweynaha, wasiirkiisa gaadiidka, taliyaha ciidanka booliska iyo badhasaabka gobolka Togdheer uu ku sheegay inaan la soo rari Karin daamurka waddada Ceerigaabo ee yaala magaalada Burco, isaga masuuliyiinta uu warqada ku socodsiiyeyna ku wargeliyey  in daamurkani uu muhiim u yahay dhismaha waddada Ceerigaabo taas oo aan loo baahnayn in meel kale la geeyo isla markaana lagu dhiso.

Sidoo kale wararka ayaa xaqiijiyey in warqad galinkii dambe ee maanta  ka soo baxday xafiiska wasiir Cabdilaahi Abokor uu mar kale ku amray in daamurkaasi la soo raro, taas oo keentay in gaadiid lagu soo daabulay ay haatan ku soo wajahan yihiin magaalada Hargeysa kuwaas oo saacadaha soo socda soo gaadhi doona caasimada, iyada oo maareeyaha guud ee hay’adda waddooyinkuna uu ku hawlan yahay sidii uu u xanibi lahaa daamurkaasi marka uu soo gaadho xarunta dalka ee Hargeysa.

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa wakhtigii uu wasiirka madaxtooyada ahaa ee uu bilaabay dhismaha waddada Ceerigaabo waxa uu keenay daamur kor u dhaafaya kontonkun oo foosto, kaas oo farsamayaqaanadii gacanta ku hayey dhismaha waddaasi ay sheegeen in daamurkaasi ku filan yahay dhamaystirka jidkaas isku xidhaya Ceerigaabo iyo Burco.

Daamurkaas ayaa la dhigay meelo kala duwan, iyada oo lagu kaydiyey goobo ay ka mid ahaayeen xaafada Ayaxa ee magaalada Hargeysa, Madaarka Burco, Tuulada Ina Afmadoobe, Degmada Ceel Afweyn, Tuulada Xayira, degmada Gar Adag iyo deegaanka Yufle, balse wasiirkii hore ee hawlaha guud Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa iibiyey qaybo ka mid ah daamurkaasi, iyada oo badhkii uu ka tagayna uu haatan fasaxayo wasiirka gaadiidka iyo horu marinta jidadku.

Wasiirka gaadiidka iyo horu marinta jidadka Cabdilaahi Abokor oo aanu la xidhiidhnay ayaanay noo suuragelin inaanu arimahan wax ka waydiino ka dib markii uu ka jawaabi waayey telefankiisa gacanta.

Si kastaba ha ahaatee wasiirka gaadiidka iyo horu marinta jidadka Cabdilaahi Abokor ayaa haatan u muuqda mid ka shaqaynaya danahiisa gaarka ah, isaga oo cashuuraha xad dhaafka ah ee uu shacabka dul dhigay ku darsaday inuu haatan iibiyo qaybo ka mid ah hantidii wax lagaga qabanayey danta guud ee uu masuulka ka ahaa, waxaanay shacabka somaliland ilaa hada is waydiinayaan halka ay ku sal leeyihiin awoodaha dheeraadka ah ee uu wasiirkaasi isticmaalayo.

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email:- [email protected]




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.